Baaqa Aqoonyahanka Ciise Muuse Ee Ka Qayb Galka Guddiga Doorashooyinka

0
573

Hargeysa(Geeska):-Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Beesha Ciise Muuse ayaa waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)in uu Beesha Ciise Muuse ka qayb galiyo Xubnaha Gudida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Beesha Ciise Muuse ayaa baaqan oo ay shalay soo saareen oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay wargeyska Geeska Afrika ayaa waxaa uu udhignaa sida tan:

Anago ah aqoonyahanka dhallinyarada gobolka saaxiil beesh Ciise Muuse. Baaqayagan oo ku aadan sidii beeshu uga mid noqon lahayd todobada xubnood ee komishanaka dooroshooyinka qaranka loo xulaayo. Saddexdii komishan ee dalka soomaray mid qudha laguma darin xubin beesha ka mida taasnna waxaanu u aragnna gef iyo qalad beesha lagula kacay waxaana hagraday ciday masuuliyadaasi saaranayd.

Anagoo ah dhallinyarada magacyadoodu hoos ku xusanyihiin ahna beelaha ugu balaadhan deegaanada gobolada Maroodi-jeex Saaxil iyo Togdheer, waxaan marna nalagama qayb gelin saami qaybsiga xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka doorasho kasta iyo xili mudeed kasta oo la dhisaayo komishan cusub. Waxa laso magacaabay komishankii ugu horeeyay ee qaranka Somaliland yeesho sannadi 2001 oo hada laga joogo saddex iyo toban sanno, xiligaas oo uu madaxweyne ka ahaa dalka alle haw naxariiste marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, tododobada xubnood ee uu soo magacaabay madaxweyne Cigaal madaama aanay xiliga jirin xisbiyo qaran

Waxaanu usoo gudbiyay golaha wakiilada si ay u ansixiyaan ama u diidaan. Xubnaha komishanka ee marxuun cigaal waaga soo magacaabay kumay jirin xubin kasoo jeeda beesha Ciise Muuse, taas oo uu madaxweyne cigaal ka xishooday inuu xubin ka mida beeshisa magacaabo madaama uu kasoo jeeday beesha, komishankii labaad ee dalku yeesho waxa magacaabay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin sanndi 2008 wuxuunu raacay dariiqi dastuurku jideeyay

Madaxweyne rayaale kumuuso darin xubin beeshisa metesha xubnihii sharcigu xaqa u siiyay, dhamaan xubnaha uu magacaabay Rayaale waxay ahaayeen xubno beelaha kale kasoo jeeda. Madaxweyne Siilaanyo waxaanu uga fadhinaa inuu sidii madaxweynayaashii hore sameeyeen uu yeelo beeshisana aanu soo magacaabin, madxweynaha waxaanu uga fadhina inuu magacaabo xubin kaso jeeda beeshaCiise Muuse,waxaanu xasuusinaynaa dhamaan ciduu khuseeyo baaqayagani inaanay indhaha ka qarsan baaqa beesha.

Magacyada Aqoonyahnka dhallinyarada Ciise Muuse ee baaqan diraaya waxaa ay kala yihiin:

1.Eng. Cabdisamad Xuseen Faarax  2.Ibraahin Maxamed Cabdi 3.Ganacsade Rigaax Cabdilaahi Ismaaciil 4.Eng Cabdiqani Maxamed Faarax 5.Maxamuud Cali Abokor6.Nuuradiin IBraahin Cabdi 7.Dr Aadan Jaamac Cabdilaahi 8.Maxamed Cabdi Cali 9.Dr Khadar Ismaaciil Cabdi 10.Maxamuud Cabdi 11.Mustafe Maxamed Xuseen 12.Cabdiraxmaan Qawdhan Ileeye 13.Maxamed Jaamac Yuusuf 14.Maxamed Cabdi Xasan.