Qoys Faqiir Ah Ayuu Laayey Isaga Oo Ku Eedaynaya In Ay Injir U Soo Gudbiyeen Xaaskiisa

0
539

Moscow (Geeska)- Khabiir ku takhasusay xirfadda dagaal ee loo yaqaanno Karateega ayaa lagu eedeeyey in, gabadh da'deedu tahay 61 jir iyo wiil ay dhashay ay u geeriyoodeen nabar uu ku dhuftay, kadib markii uu ku tuhmay in gabadhiisa ay injir u gudbiyeen. Dembi-baadhaha gobolka qisadani ka dhacday ayaa isaga oo jooga magaalada Kazan oo 700km bari ka xigta caasimadda dalka Ruushka ee Moscow waxa uu sheegay in loo malaynayo in ninkan oo da'diisu tahay 26 jir uu sakhraansanaa, markii uu dembigan galayey. Isaga oo warbaahitna la hadlayey mar sii horreysay waxa uu Dembi baadhuhu intaas ku sii daray in ninkani xoog ku galay guriga islaantan iyo inankeedu deggenaayeen oo qayb ka ahaa fooq kiro loogu talo galay oo ninkan iyo xaaskiisuna deggenaayeen qayb ka mid ah, kadibna isaga oo adeegsanaya habka dagaal ee loo yaqaanno karateega uu dilay labadoodaba, baadhaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, "Si xirfadleh ayuu u garaacay isaga oo adeegsanaya gacmaha iyo lugaha illaa ay dhinteen.. Qoyskan uu dilay waxa ay ahaayeen qoys faqiir ah, oo qayb ka mid ah guri kiro ah ay kuwada jireen, waxa uu ku dilayey waxa ay ahayd in Injir ay u soo gudbiyeen xaaskiisa iyo dhammaan qaybaha guriga” Ayaa uu yidhi baadhuhu.

Haddii ninkan lagu helo eeddan waxa la filayaa in lagu xukumi doono xabsi' daa'im sida uu qabo sharciga Ruushku. Arrintani waxa ay ka cadhaysiisay oo doodo xasaasi ahna ka dhex dhalisay bulshada Ruushka iyo guud ahaan dadka la socday qisadan ee dunida ka filqan, waxa aanay mar labaad soo celisay doodda ah in dadka maalqabeenka ah ama dhaqaalahoodu buuran yahay ay mar kasta u dhaqmaan qaab ku tumanaya xuquuqda nololeed ee dadka faqiirka ah, taas oo la aaminsan yahay in ay khatar ku tahay xasiloonida iyo nabadgelyada dalalka ay ka jirto iyo guud ahaan dunida oo dhanb.