Sababaha Keena In Carruurtu Ay Waxbarashada Nacaanaan Ama Dugsiga Tegitaankiisa Ay Diidaan

0
672

Hargeysa (Geeska)- Waxaa marar badan dhacda in qoysaska iyo macallimiintuba ay ka cawdaan mushkilad dunida aad ugu soo badanaysa oo ah in ardayga yari uu waxbarashada niyadda ka sii jeediyo ama uu dugsiga tegitaankiisaba naco. Qormadan oo uu Geeska Afrika soo turjumay waxa ay khubarada arrimahan ku xeel dheeri kaga waramayaa sababaha keeni kara dhibtan, taas oo marka la garto fure u noqon karta in xalkeedana la raadiyo:

– Sababo caafimaad ama nafsiya oo ardayga soo waajaha, kuwaas oo ardayga ka hor istaagaya in uu la saaxiibo ama sheeko iyo ciyaar wadaag la noqdo ardayda wax la dhiganaysa, isaga oo ka cabsi qaba in la xaqiro ama lagu caayo ama ay dhacdaba in lagu caayo ama la xaqiro, taas awgeedna uu nacay in uu uba tago ardaydaas iyo dugsigan ay joogaan.

– Aradayga oo awoodi waaya in uu waqtigiisa uga faa’idaysto waxbarashada iyo haddana waqti firaaqo ah,  iyo isaga oo aan garanayn cid  caawisana waayey habka ugu fiican ee uu duruustiisa u xafidi karo uguna noqon karo, taasina ay ku keento niyad jab iyo in uu aamino in aanu waajibaadka culayskaa leh gudan karin. Ama in uu imtixaanka keeno dhibco ka hooseeya ardayda ay isku fasalka yihiin, taasina ay ku keento cay iyo xaqiraad.

– Carruurta qaar ayaa marka ay da’ cayiman gaadhaan ay ku beerantaa ruux xorriyad doon ah, waxa uu doonaa in uu muujiyo madax bannaanidiisa iyo in caqligiisu hagayo oo aan waalid iyo macallin beddeli karin go’aankiisa, canaadnimadaasina mararka qaarkood ayaa ay keentaa in ilmuhu uu doono inuu ka tago dugsiga. La soco…