Khilaaf Siyasadeed Oo Laba Garab U Kala Jebiyay Madaxda Kililka Shanaad Ee Dalka Itoobiya

0
445

Picture5Jigjiga(Geeska)-Xaalad siyaasadeed oo kala qaybsanaan ah ayaa ka dhex jirta madaxda maamulka kililka shanaad ee Somalida Itoobiya.

Khilaafaadkan oo muddooyinkan dambe isa soo tarayay ayaa wuxuu u dhexeeyaa Madaxweynaha kilika shanaad Cabdi Maxamuud Cumar iyo qaar ka mid ah madaxweyne-xigeenada maamulka. Labada garab ee siyaasadeed oo si weyn looga dareemay magaalada Jigijiga, ayaa waxa kala hoggaaminaya Madaxweynaha kililka Cabdi Maxamuud Cumar, halka uu garabna hoggaaminayo Cabdillaahi Yuusuf Weerar oo ahaa madaxweyne-xigeen, balse uu Cabdi Maxamuud Cumar sheegay inuu xilkii ka qaaday.

Garabka madaxweynaha ka soo horjeeda oo ka kooban 7 xubnood oo guddiga fulinta ah, ayaa shir ku qabsaday Diridhaba Axadii doraad, waxaanay go’aamo ay soo saareen ku sheegeen in gudoomiyaha xisbiga ESPDP loo doortay Cabdixakiin Cigaal oo ahaa madaxweyne-ku-xigeen, halka godoomiyey ku xigeen loo doortay Cabdifataax Macalin Maxamad oo isna ahaa madaxweyne-ku-xigeen.

Shirkan oo uu daadihinayey xoghayaha xisbiga, Cabdillaahi  Yuusuf Weerar, ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in gudiga fulinta laga saaray  gudoomiyaha xisbiga Maxamada-rashid iyo gudoomiyey ku-xigeenka oo ah madaxweyne Cabdi Cumar, waxaanay sheegeen in si deg deg ah loo qaban doono shirkii golaha dhexe.

Geesta kale, Madaxweynaha kililka iyo garabkiisa ayaa iyaguna shirkii golaha dhexe ee xisbiga deegaanka ee ESPDP ku qabsaday Jigjiga. Wakaaladaha wararka ee deegaanka Somalida Itoobiya ayaa weriyay in in shirkan lagu go’aamiyay in guddigii fulinta ee xisbiga laga saaray Cabdillaahi Yuusuf Weerar oo isagu shirkaas  madaxweynaha xisbiga lagaga saaray guddoominayay ahaana madaxweyne-xigeen uu madaxweynuhu sheegay inuu xilkii ka qaaday. Waxa kale oo xisbiga laga saaray xubno xubno kale.

Dawladda Federaalka Itoobiya oo si dhow ula socota muranada siyaasadeed ee ka aloosmay deegaanka Somalida Itoobiya, ayaa la filayaa inay si deg deg ah u soo farogeliso si aanay xaaladu u sii fogaanin, waxaana la sheegayaa in dawlada Federaalka Itoobiya diyaarisay qorshihii lagu waajihi lahaa xaalada.