Ka Cabsadey God Naareed – Jannadiina Maan Gelin Goodigooda Ku Ambadey: W/Q Maxamed Shukri Jaamac

0
621

Picture2Xoriyada Somaliland waxay la kawsatey, welina ay ku sugantey cabsi ay ka qabto dib ula midawga Soomaaliyada koonfureed iyo garawshiiyo la’aanta beesha caalamka ee inkasta oo shacabka Somaliland la yimi dedaal dheeraad ah oo mararka qaarkood lagu tilmaami karo mucjiso, ku aabalin waayey aqoonsiga uu haybinayo mudada 23 sano ah.

Waakasta oo ka berya Muqdisho/Soomaaliya wuxuu ku dhawaaqaa shalay dhaantey iyo ninkii aan quus aqoon naftiisaa quusa.

Dhawaaqaas intaanu maqal indheer-garadka degen Muqdisho, waxa qof-qof u maqla shacab weynaha  Somaliland, nasiibdarose waxay la maqlaan ama la akhriyaan garawshiiyo la’aanta beesha caalamka iyo isburinta tirrawga Siyaasiga Somaaliland ee ah aduunyadii wey inoosoo jeesatey,Aduunyadii wey inaga sii jeesatey, wada hadalka Soomaaliya danbaa ku jirta, wada hadalka Soomaaliya dani kuma jirto/waa khiyaamo Qaran.

Garawshiiyo la’aantaas iyo tirrawgaas siyaasiga Somaaliland ee is buriyey iyo mugdiga iyo maangadida sii kordheysa ee Soomaaliya ka muuqdaa waxay geyeysiiyeen shacabka Soomaaliland iney halhays ka dhigtaan tuducan; Ka cabsadey god naareed, Janadiina maan gelin, Goodigooda ku ambadey.

Anna waxaan leeyahay anoo ku hadlaya afka shacabka Somaliland:

· Garabweynta dunidaay

· Laba toban guyaa dheer

· Intii aan gucleyn iyo

· Geed fanasho iyo orod

· Gufeyn iyo yagleel iyo

· Gaashaandhig iyo nabad

· Gogol lagu caweeyiyo

· Goobaayey qaran hela

·  Gacan iyo waxqabad iyo

· Garta uu u leeyahay

· Garawshiiyo dabadeed,

· Gudhe oo shib noqotee

· Maxaa idin gabaanadey

· Maxaan gaasiree dhiman

· Maxaan geystayeen falay? !!!

·  Maxmed Shukri Jaamac

· Hargeysa – Soomaaliland