Muranka Labada Waalid Iyo Gacan Ka Hadalka Dhex Maraa Waxa Uu Ilmaha Ku Keenaa Xanuunno Nafsi Ah

0
686

Picture6Hargeysa (Geeska)- Khubarada cilmi nafsigu waxa ay aabaha iyo hooyada digniin adag ugu soo jeedinayaan in aanay ubadkooda hortooda ku murmin ama khilaafkoodu noqon mid ay carruurtu ka war hesho. Khubarada taladan soo jeedisay waxa ay xujo ka dhigteen natiijada daraasad arrintan la xidhiidha oo daahfurtay in ubadka maqla muranka waalidka ama ka war hela khilaafka aabaha iyo hooyada ay u badan tahay in ay ku dhacaan xanuunno nafsi ah, oo mararka qaarkood si weyn u wax yeellayn kara maskaxdooda iyo habsami u shaqaynteeda.

Xeel-dheerayaashu waxa ay sheegeen in ilmahan maqla khilaafka waalidkii oo hadallo dagaal iyo cadho ah is weydaarsanaya ama arka iyaga oo is-gacan-saaraya ay ku dhacdo xaalad niyad jab ah iyo dareen ah in aanay jirin cid wehel u noqota ama u miciin noqon karta maadaama oo labadii uu miciin bidayey halkaas kala taagan yihiin. Waxa uu dareemaa cabsi nafsi ah oo la xidhiidha mustaqbalkiisa iyo cidda uu noloshiisa ku aamini doono.

Waxaa jira dad badan oo marka ay arkaan ilmaha oo inta uu maqlay waalidkii oo murmaya ama gacan ka hadal dhex marayo haddana aan waxba caafimaadkiisu noqon, u qaata in murankaas iyo dagaalkaasi yahay xaalad caadiya oo aan ilmaha ku keenayn dhibta ay khubarada caafimaadka nafsiga ah ee carruurtu ku sheegeen, in dhibaatada caafimaad ee ilmuhu kala kulmo xaaladdan oo kale ay mararka qaarkood soo baxdo marka ay da’diisu 30 sano gaadho. Marka uu ilmuhu da’daas gaadho waxaa ku soo baxa caafimaad darrooyin nafsi ah oo ku aroora murannadii iyo is-fami waagii labadiisa waalid ee uu la kulmi jiray markii sebiga ahaa.