Labada Xisbi Mucaarad Ee Waddani Iyo UCID Oo Madaxweyne Siilaanyo U Gudbiyay Xubnaha Uga Mid Noqonaya Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka Qaranka

0
581

Picture3Hargeysa(Geeska)-Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID, ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u gudbiyay xubnaha uga qayb gelaya guddiga doorashooyinka cusub, maadaama oo uu guddigii hore ee doorashooyinka wakhtigoodu ku eegyahay dabayaaqada bisha Oktoober ee soo socota.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa toddobaadkii hore labada xisbi mucaarad iyo golaha guurtida ka dalbaday inay soo xulaan xubnaha uga mid noqonaya guddiga doorashooyinka. Sida ay Geeska Afrika u xaqiijiyeen ilo xogogaali Waddani iyo UCID ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay madaxweynaha u gudbiyay labada xubnood ee ay xuleen guddiga doorashooyinka.

Xisbiga Waddani ayaa sida ay ilahan xogogaalka ahi u xaqiijiyeen Geeska Afrika waxa ay gudbiyeen xubinta magaciisu yahay Dr. Maxamed Cismaan Fadal inuu uga mid noqdo guddiga cusub ee doorashada, halka uu xisbiga UCID gudbiyay magaca xubintii hore ee ugu jirtay guddigii hore ee doorashada Md. Cabdifataax Ibrahim Xasan.

Dr. Maxamed Cismaan Fadal, ayaa dhawaan si rasmi ah iskaga casilay xilkii iyo xubinimadii xisbiga Waddani, si uu ugu madaxbanaanaado arrimihiisa u gaarka ah. Halka uu Md.Cabdifataax ka mid ahaa guddiga hore ee doorashada ee uu wakhtigoodu dhammaanayo bisha Oktoobar ee soo socota.

Labada xisbi mucaarad waxay dhambaalka ay Madaxweynaha u gudbiyeen ku sheegeen inay labadan xubnood buuxiyeen shuruudaha laga rabo ka mid noqoshada guddiga doorashooyinka qaranka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaan weli u soo jawaabin labada xisbi mucaarad, waxaana la filayaa in haddii uu aqbalo xubnahan ay mucaaradku u gudbiyeen uu u gudbiyo golaha wakiilada oo iyaguna codka kalsoonida u qaadi doona.