Wasiir Cabdi Aw Daahir Oo Lagu Bogaadiyay Habka Uu U Soo Bandhigay Wax Qabadkiisaa

0
724

Picture9

Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha Gudida Illaalinta Hantida Qaranka Iyo Dabagalka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiilada Somaliland Md:Maxamed Cali Xirsi(Obama) ayaa daboolka ka qaaday in mudadii ay wadeen xogwaraysiga ku wajan kulamada ay la yeelanayeen masuuliyiinta ugu sar-saraysa Haayadaha Dawladu ay tahli kari waayeen in ay Gudida Illaalinta Hantida Iyo Dabagalka Musuqmaasuqa ay u soo bandhigaan Miisaaniyad Xisaabeedka Wasaaradahooda iyo sida oo kale wax warbixino ku aadan Waxqabadkoodii mudadii ay masuulka ka ahaayeen Haayadahaasi Dawladeed. Md:Maxamed Cali Xirsi (Obama) hadalkan ka sheegay ka dib kulan xog waraysi ah oo ay Gudida Ilaalinta iyo Dabagalka Musuqmaasuqu la yeelatay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr:Cabdi Awdaahir. Kulankan xogwaraysiga ah oo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa markii uu soo idlaaday ayaa gudoomiyaha gudida ilaalinta Hantida Qaranka iyo dabagalka ee Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiilada Somaliland Md:Maxamed Cali Xirsi (Obama),waxana uu si aada ugu amaanay Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr:Cabdi Awdaahir Cali sida uu gudida ugu soo gudbiyey Miisaaniyada Xisaabeedka iyo sida oo kale waxqabadkii Wasaaradaasi,waxaana uu tibaaxay in ay Masuuliyiinta Wasaaradaha iyo Haayadaha Madaxa banaan ee ay la kulmeen ay ku adkaatay in ay u soo bandhigan waxqabadyadii Haayadahaasi iyo sida oo kale Xisaab Miisaaniyadeeka Haayadahaasi Dawladeed ee ay qaranka uga Masuul yihiin. "Maanta waxaanu halkan kula kulanay anaga oo ah gudida Illaalinta Hantida Daryeelka Qaranka Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo aanu ka xogwaraysanaynay Hawlaha uu Qarankan u hayo aad baanu u wada hadalnay aad baanan isu fahanay,Waxaanan ku heshiinay in ay wadashaqayn buuxda ay naga dhaxayso.Halkan waxaan ka qirayaa oo aan jeclahay in aan maanta Warbaahinta u sheego in uu Wasiirkani yahay Wasiirkii ugu horeeyey intii aanu cid la kulmaynay waxii aanu u baahnayn ee aanu ka codsanay isaga oo sida noo keenay,waxaana ay ahayd warbixin gaar ahaaneed iyo mid guud oo Wasaaradiisa ku salaysan Illaa heer gobal illaa heer dagmo iyo waliba sida uu Miisaaniyadiisa u isticmaalay ee Sadexdii Sanadood ee u danbaysay Kaas oo Wasaaradaha kale iyo Haayadaha aanu la kulanay oo dhanba ku adag in ay noo keenaan ayaa uu isagu maanta noo keenay"Ayuu yidhi  Maxamed Cali Xirsi(Obama).

Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr:Cabdi Awdaahir waxaana uu sheegay in ay gudida u soo gud biyeen wax allaale iyo waxii xog ah ee ay uga baahnaayeen ka wasaarad ahaan,isaga oo carabka ku dhuftay in ay u keeneen waxqabadkoodii mudadii Afartii sano ahayd ee u danbaysay iyo waliba sida oo kale Xisaab Miisaaniyadeedkii ay ka wasaarada ahaan isticmaaleen iyo waxyaabihii ay ku baxday oo qoraal warbixin ah.

"Anaga wax allaale iyo waxii ay nooga baahnaayeen waanu u keenay gudida,waxaa ay gudidu nooga baahdeen waxqabadkayagii Afartii Sanadood waxaanu qabanay oo qoraal ah ayaanu u keenay,sidii aanu Miisaaniyadayadii aanu u isticmaalnay ayaanu iyadana aanu u keenay wax walba waxaanu ku qabanay ayaanu u keenay,waxii ay na waydiiyeena waanu ka jawaabnay,markaa warbixin guud oo Miisaaniyadeed iyo Waxqabadka labadaba ah oo warbixin ah ayaa ay heystaan oo aanu u keenay,markaa hawshii maanta sifiican ayaa ay noogu dhamaatay"Ayuu yidhi Dr:Cabdi Awdaahir Cali.