Hargeysa: Baaqa Muwaadin Si Mutadawacnimo Ah Dhir Ugu Beera Fagaaraha Caasimadda

0
805

Picture1Hargeysa (Geeska)- Cabdilaahi Cabdi Yuusuf, oo ah Muwaadin dhallinyaro ah oo isagu iskii isku xil qaamay oo si tabaruucad ah uga qeyb qaata bilicda iyo hagaajinta Magaalada Hargeysa, meelo ka mid faras magaalahana ku beeray Dhir, ayaa baaq u diray Madaxda Dawladda Hoose Hargeysa iyo Shacab weynaha reer Somaliland, waxaanu ugu baaqay inay mar walba ku dadaalan inay ka qeyb qaataan hagaajinta Bilicda Caasimadda. Wuxuu muwaadinkani ka qayb qaatay dhirta uu ku beeray jidka hormara khayriyada.

 Cabdilaahi Cabdi Yuusuf, oo Wargeyska Geeska Afrika uga waramay waxa ku kelifay inuu ka qeyb qaato Bilicda Caasimadda iyo inuu Dhir ku beero ayaa yidhi “Halkani waa Indhihii Caasimadda dalka, waa Faras Magaalihii, Dhir ayaan ku beeray, Maayarkuna tacab ayuu galiyey, Shabag ayuu ku xidhay, Marmarna wuu dhigay, Dhir aad u badan ayaan ka beeray, oo waxaana doonaya in boqol cisho kadib dadku ay u soo daawasho tagaan,inta badan  si tabaruucad ah ayaan mar walba uga qeyb qaata hagaajinta Caasimadda,  meeshani iyada oo ah meel aad muhiim u ah, ayaa Meherada ka soo horjeeda sida Shirkada Telesom, Hadiya, Caadini, Nationlink, Boodhari Daryeel Dumar iyo dhammaan Meheradaha ka soo horjeeda oo dhanba, waxaan leeyahay meeshan tacabkiini iyo cashuurtii la idina ururinayey ayaa la galiyey ee waxa idinka codsanayaa inaad dhirtaas ilaalisaan, oo Xashiishka ka ilaalisaan”.

Muwaadinkan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Maayarka, Maayar ku xigeenka, Xoghayaha iyo Guddoomiyaha Degmada 26-june, waxaan ka codsanayaa in arintan ay garab igu siiyaan, si ay Caasimaddu u qurux badnaato, waxa kale oo aan anigu xitta ka qeyb qaatay oo aan Digaag ugu deeqay Waddada Ceerigaabo, dadaalkana halkaas waan ka sii wadi doonaa”.