Waxa Uu Dhintay Markii Uu Isku Dayey In Uu Gacmihiisa Ku Qabto Gabadh Uu Jeclaa Oo Fooq Iska Soo Tuurtay

0
1200

Beijing (Geeska)- Nin u dhashay dalka China ayaa geeriyooday kadib markii uu qabtay gabadh uu aad u jeclaa oo isku dayday in ay nafteeda khaarajiso. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee dalka China, ayaa sheegaya in ninkan oo magaciisa la odhan jiray Wang uu isaga oo dhulka hoose taagan isku dayey in uu gacmihiisa ku qabto gabadh uu aad u jeclaa oo si ay nafteeda u disho iska soo tuurtay dabaqa toddobaad ee fooq ay qayb ka deggenayd.

Dhimashada ninkan oo ka dhacday magaalada Quanzhou oo ku taalla koonfurta bari ee dalka China, ayaa timid markii gabadhan isa soo tuurtay uu miisaankeedii oo dhami dusha kaga dhacay ninkan jeclaa oo u hoos taagnaa in uu qabto kadib markii uu ka war helay in ay isa soo tuurayso. culayskii dusha kaga yimi ayuu ninkani isla markiiba u dhintay, halka gabadhii ay ka badbaaday balse ay soo gaadheen burbur dhinaca lafaha ah iyo dhaawacyo kale oo waaweyn, in kasta oo ay dhakhaatiirtu sheegeen in xaaladdeedu aanay cuslayn. Sida ay sheegeen dadka goob joog ka ahaa dhacdadani, lammaanahan oo aad isu jeclaa ayuu muran kululi dhex maray waqti yar ka hor is-tuurista gabadha, khilaafkaas oo gaadhay in ay gabadhu Wang ugu hanjabto inay dabaqa iska tuuri doonto. Dadkaas goob-joogga ahaa waxa ay sheegeen in ay indhahooda ku arkayeen Wang oo markii ay gabadhu ka soo xidhatay qol kadibna ay daaqadda furatay si ay isaga tuurto, isaguna si xawli ah ugu soo ordaya dhaadhaca fooqan si uu hdulka uga sii horreeyo oo haddii ay ka dhabayso in ay isa soo tuurto uu isku dayo in uu qabto. Wang sidii uu doonayey ayaa ay u dhacday oo dhulka ayaa uu tegey iyada oo aan gacaladiisu weli isa soo tuurin, waxa aanu cabbaar ka baryayey in ay ka noqoto go’aankaas foosha xun ee a in ay is-disho, waxa uu xasuusiyey jacaylka xooggan ee ka dhexeeyey iyo sida ay labadooduba ugu baahan yihiin in ay midhiisa gurtaan, laakiin baryadaasi waxba ma tarin, oo gabadhii sidii ayaa ay isku soo tuurtay. Nasiib darro waxa aanay dusha kaga dhacday Wang oo isagu markiiba geeriyooday.