Xukuumadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Baaqii Beesha Caalamka Ee Ahaa In Ciidanka Qaranka Laga Soo Saaro Saax-Dheer

0
943

Picture2Hargeysa(Geeska):-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md:Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadaladii kasoo yeedhay Qaramada Midoobay iyo Xukuumada dalka Somaliya ee lagu canbaraynayay galintaanka ciidanka qaranka Somaliland ay gacanta kula wareegeen gabi ahaanba gacan ku haynta deegaanka Saax-dheer oo uu ka socday caleema saarka hogaamiyaha cusub ee ay doorteen Kooxda Khaatumo Pro:Cali Khaliif Galeydh.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi galinta Somaliland oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa,ayaa waxaa uu sheegay in aanay Somaliland cidna gor gortan  kala galayn arrimo khuseeya gudaha Somaliland,waxaana uu ku eedeeyey Xukuumada Somaliya in ay in ay dhaawaceen wadahadaladii u dhaxeeeyey Somaliya iyo Somaliland. “Iyada oo Maxamed Siyaad Barre oo Janan ahi uu ka taliyo Muqdisho oo awood kale oo badan haysta oo Taangiyo iyo Dayuurado wadata oo quwadeedu isu dhantahay oo Somaliya waxii laysku odhan jiray ee manfac iyo Milatariba waxii ay lahayd wadata ayey Somaliland waxba ka qaadi wayday Somaliland-na ay dalkeeda ka saartay oo ay kaga saartay xaqiijinta rabitaanka shacbiga reer Somaliland,Xaqiijinta rabitaanka shacbiga Somaliland ayaa nafo badan u baxeen dhiig badana u daatay shalayna sabab u ahayd in uu siyaad barren uu meesha ka baxo awoodiisii Milatarina ay meesha ka baxdo anaga dhuxuloow iyo Xasan-ka iyo inamada masaakiinta ah ee muqidisho jooga ee xeryaha Milatariga Amisom ku xaraysani nooma hanjabi karan anaga nama odhan karaan dalkayaga qayb kamid ah ayaanu talo ka bixinaynaa iyaga oo aan xaafadaha muqisho aan talo ka bixin Karin,nama odhan karaan iyaga oo gurigooda difaacan kari waayey kay sariirtu u taalay ee ay dagan yihiin in ay anaga kaayagan qaranka ah ee dawlada ah ee calanku ka taagan yahay ee aanay dawlada shisheeye iyo dad shisheeye toona gacan ku lahayn in ay anaga talo ka bixiyaan oo ay cod ka saaraan,waxaanan leenahay Inamadaas waad jabiseen maanta wadahadalkii u dhaxeeyey Somaliya iyo Somaliland waxaana uu noqday mid dhaawac may markii uu dhuxuloow ku dhawaaqay in uu ka hadlo qayb ka mid ah Somaliland oo uu ka hadlo waxa ay ka aamin sanyihiin,Xildhibaano aad soo dirteen ee aad u soo dirteen in ay Somaliland gudaheeda ku shiraan”Ayuu yidhi Md:Wasiir Cukuse. Md:Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray in ay Xukuumada Somaliya ay dabada ka riixayso Pro:Cali Khaliif Galeydh.“Annagu maanta waxaanu iclaaminaynaa oo qof kasta oo ay ka daahan tahay u sheegaynaa oo qof kasta oo madmadaw kaga jiro ama ka daahan tahay ama riyoonaya  u sheegaynaa, Somaliland waa Somaliland,dalkayaga meel ka mid ah oo cidi nagala talin kartaa ma jirto,Dalkayaga gudihiisa waxaanu ka yeelayno iyo nabaddiisu siday ku sugmayso iyo qaranimada Somaliland sida loo adkaynayo kala tashan mayno qof aan dalkayaga iyo dadkayaga midna ahayn oo dibadda ka jooga,anagu waxaanu leenahay Somaliya hadii ay idin deeqdo nabadii aanu idin kula noolayn dhinaca Warbaahinta iyo dhinaca Milatariga labadaba anagu diyaar baanu u naahay laakiin waxaa muuqata in Xildhibaanadiinii oo diyaarado saarani ay ay qayb kamida Somaliland ay yimaadeen ,waa dagaal aad iclaamiseen,waa dagaal aad markii danbana aad aad Warbaahinta ku qirateen oo aad ku cadayseen in aad qayb ka tihiin waxa ka socda buq-cada Saax-dheer oo aad qayb ka tihin buq cadaasi waxa ka socda iyo waxa ka alloosanba sida oo kalena kuwa Cali Khaliif dabada ka soo riixaya ee Odaygaa wayn Khal-khalinaya inaad idinka tihiina waa wax  caddaan ah oo muuqata” ayaa ka mid ahaa hadalka wasiir Cukuse.

Md:Maxamed Cabdilaahi Daahir (Cukuse) oo waxaa uu sida oo kale uu si adag ula hadlay Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Mr:Niklas Kay.“Waxaan kale oo doonayaa in aan la hadlo ninka UN-ka Somaliya qaramada midoobay uga masuulka ah hadalka aniga oo aan ku badinayn oo ixtiraam u hayn waxaanu leenahay shaqadii lguu soo diray waxaa ay ahayd in aad Somaliya nabad ka keento,may ahayn in aad Somaliland oo nabad ah aad xasilooni darro aad ka abuurto oo aad gacan ka siiso dad xasilooni darro ka abuuraya”Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacyi-gelinta Somaliland.