Bulshada Caalamka Oo Somaliland Ugu Baaqay Inay Ciidanka Ka Saarto Saax-Dher Iyo Madaxweyne Silanyo Oo Sheegay Inay Ciidanku Amarkiisa Ku Gaadheen Xuduudka

0
881

Picture7Hargeysa(Geeska)-Wadamada beesha caaPicture7lamka ayaa mar kale dhambaal walaac leh ka soo saaray gelitaanka ciidanka qaranka Somaliland ay khamiistii galeen magaalada Saax-dheer ee gobalka Sool oo lagu caleemo saarayay siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo noqday madaxweynaha maleeshiyaadka khaatumo. Laakiin Madaxweyne Siilaanyo ahaa sheegay inay ciidamada qaranku amarkiisa ku sugeen magaalada Saax-dheer oo ah magaalo xuduudeed.

Wadanka, Maraykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa Somaliland ugu baaqay inay ciidanka ka saarto magaaladaas, iyagoo sidoo kalena labada dhinacba ugu baaqay inay is xakameeyaan. Warsaxaafadeedkan oo ay ku saxeexanyihiin  wakiilka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya James P. McAnulty, ergayga qaramada midoobay Nicholas Kay iyo safiirka Midowga Yurub Michele Cervone d’Urso, waxay muujiyeen sida ay uga walaacsanyihiin xaaladda, waxaanay soo jeediyeen in la soo daayo maxaabiista ay Somaliland qabatay. Wuxuu warsaxaafadeedku u qornaa sidan  “Wakiilka Maraykanka ee Somaliya James P. McAnulty, ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay iyo safiirka Midowga Yurub Michele  Cervone d’Urso, waxay aad uga walaacsanyihiin ciidamada la geeyay sax-dheer iyo isku dhaca ka dhashay. Waxaanu ku baaqaynaa in si deg deg ah ciidamada looga saaro  Saax dheer iyo in  dhaqso loo sii daayo maxaabiista oo dhan. Waxaanu dhinacyada oo dhan ugu baaqaynayaa inay ka joogsadaan colaada, xoogana saaraan sidii hoos loogu dhii lahaa, loona xalin lahaa khilaafka iyadoo loo marayo hab nabdoon iyo wada xaajood.

 Wakiilka Maraykanka ee Somaliya James P. McAnulty, ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay iyo safiirka Midowga Yurub Cervone d’Urso, waxay dhinacyada ay khusayso arrinta gobalkani ugu baaqayaan inay si nabad ah u xidhiidhaan, raadiyaana hab wax dhisaya oo ay wada jir ugu alin karaan arrimaha khilaafka keenay. Waxaanay balan qaadayaan inay dhinacyada oo dhan ka caawiyaan sidii loo raadin lahaa isu tanaasul iyo in laga shaqeeyo in gobalka laga aslaaxiyo xasilooni iyo  nabad waarta.”

 Madaxweyne Siilaanyo

Qoraal kooban oo xalay la geliyay barta uu Madaxweyne Siilaanyo ku leeyahay twitterka, ayaa wuxuu ku sheegay inay dawladdu adeegyo gaadhsiin karto deegaanadaas, ka dib markii ammaanka la sugay. “Ciidanka Qalabka sida ee Somaliland, oo amarkayaga ku socda waxay si guul leh u sugeen nabadgelyada magaalo xuduudeedka.  Dawladdu hadda adeega ayay gaadhsiin kartaa.” Ayuu madaxweynuhu ku yidhi qoraalka kooban.