Cali Maxamed Geedi Oo Beeniyay Inay Somaliland Ku Qabatay Magaalada Saax-Dheer

0
667

Picture5Hargeysa(Geeska):-Raysal Wasaarihii hore ee Dawlada Faderaalka ah ee Somaliya Pro:Cali Maxamed Geedi ayaa beeniyey warar laga baahiyey kuwaasi oo sheegayey in lagu soo qabtay hawl galkii ay ciidamada qaranka Somaliland kula wareegeen magaalada Saax-dheer oo laga waday caleema saarka madaxweynaha Kooxda Khaatumo,waxaa uu sheegay in ay aanay wararkaasi waxba ka jirin isla mar ahaantaan ay yihiin warar ku tiri ku teen ah oo lagaga been abuuranayo.

Pro:Cali Maxamed Geedi oo xukuumada dalka Somaliye Raysal Wasaare ka soo noqday waagii Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa isaga oo la hadlaayey warbaahinta Koonfurta Somaliya,waxaa uu sheegay in aanu tagin deegaanka Saax-dheer isla mar ahaantaana uu wakhti xaadirkan ku sugan yahay magaalada Dubai ee wadanka Imaaraadka Carabta.  “Waxaa nasiib darro ah in warar ku tidhi ku teen ah suuqa la geliyo oo ahaa in aniga la igu qabtay degaanka Saax-dheer,Aniga ma tegin Saax-dheer, waxaana joogaa Dubai”Ayuu yidhi Pro:Cali Maxamed Geedi.

Wuxuu sheegay inaanay cidina ku casuumin xafladda caleemo saarka Cali Khaliif Galaydh.  Warar ay warbaahinta Internetku baahisay ayaa sheegayay in ciidanku qaranku maxaabiista ay qabteen uu ku jiro Mr. Geedi oo uu siyaasiga Cali Khaliif Galaydh ku soo casuumay xafladii caleemo saarkiisa.