Dawlada Somaliya Oo Maxkamadaha Caalamiga Ah U Gudbisay Dacwad Ka Dhan Ah Kenya

0
729

Picture4Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay dadaal ugu jirtaa in ay dib usoo celiso maamulka xuduudaheeda ee badda, waxaanay dacwad ka dhan ah dawladda Kenya u gudbisay maxkamadda caalamaiga ah.

Waxaana ka mid ah meelaha ay dooneyso in ay gacanta ku dhigto xuduudda dhinaca badda ah ee u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya oo ay ciidan ka joogaan Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay dooneyso in iyaduna ay gacanta ku dhigto dhul badda ah oo dhererkiisu gaadhayo 100-km oo wareeg ah.

Dhulkaas ayaa la sheegayaa in uu qani ku yahay gaaska iyo Saliida.

Waraka qaar ayaa tilmaamaya in Kenya ay qandaraasyo siisay shirkado caalami ah oo gaas iyo saliid ka baadha goobahaasi, inkastoo ay jirto hubaal la'aan ah cida leh dhulka uu muranka ka taaganyahay.

Warbixin ay soo saartay maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada ayaa waxa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka codsatay maxkamadda in ay go'aan ka gaadho arrintan.

Haddaba Soomaaliya waxa ay rabtaa in marka la xadeeynayo badda, in loo eego dhulka ku dhow lalana simo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la sameeyo xariijin dheer oo kala badha badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Warbixintan oo ay soo saartay maxkamada ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in labada wadanba ay aqoonsan yihiin awooda maxkamadda.

Warbixinta ayaa waxa ay sidoo kale soo xiganeysaa in Soomaaliya ay sheegtay in lagu guul dareystay in si diblumaasiyad ah lagu xaliyo murankan.

Dacwadaha lageeyo maxkamadan waxa ay qaadan karaan in go'aan laga gaadho sannado badan.