Arday Reer Somaliland Oo Soo Gunaanaday Waxbarashadooda Shahaadada Labaad Ee Master-ta

0
775

Picture3Hargeysa(Geeska)-Arday reer Somaliland ah ayaa si rasmi ah khamiistii u soo gunaanaday imtixaankoodii u dambeeyay ee ay u galeen shahaadada labaad ee Master oo ay ku diyaariyeen culuunta diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, oo ay Jaamacadda HOPE ee Hargeysa u fududaysay inay ka bartaan Jaamacadda kale ee Kampala ee dalka Yugaandha oo ay xidhiidh wada shaqayneed oo rasmiya leeyihiin.

Ardaydan oo hadda gudo-galaya diyaarinta buugooda qalin jebinta, waxa ay xafladda qalin jebinta ay horaanta sannadka soo socda kaga qayb galayaan magaalada Kampala, iyagoo mar la qalin jebin doona ardayda kale ee wax ku barata isla jaamacadda Kamapala ee wadanka Yugaandha. Waxa kale oo iyaguna jira arday kale oo reer Somaliland ah oo maadooyin kale ku diyaariyay shahaada Masters degree-ga, kuwaas oo mar la qalin jebinaya ardaydan kale, waxaanay dhammaantood ardaydani waxbarahadooda ka wadeen xarunta jaamacadda Hope ee magaalada Hargeysa. Ardaydan ayaa waxa ay u mahadceliyeen maamulka, macalimiinta iyo shaqaalaha Jaamacadda Hope, xaruntooda Hargeysa oo mudadii ay waxbarashadooda ku gudo jireen xil weyn iska saaray sidii ay ardaydani waxbarashadooda si toos ah u qaadan lahaayeen, iyagoo ardaydu si gaar ah ugu mahadnaqay guddoomiyaha Jaamacadda Hope Prof. Najiib Sheekh Cabdikariim iyo Mukhtaar Cumar oo ah maamulaha xarunta Hargeysa ee Jaamacadda Hope.