Yaa Ku Guulaystay Koobkii Mujaahid Quule Aaden Dool?

0
857

Picture1Tartankii kubada cagta ee looga daray ALLE SWT ha u naxariiste Mujaahid Quule Aadan  Dool, ee ka socday Garoonka weyn ee Hargeysa Stadium ayaa shalay si rasmiya dhammaaday. Ciyaartii finalka oo ay iskugu soo hadheen kooxaha Barwaaqo Eletronics iyo Haboon Construction Company, isla markaana Shalay wada ciyaaray, ayaa Ciyaartan oo ahayd ciyaar aad u adag, oo xiisad iyo xamaasad badnayd, taas oo labada kooxoodbna is mari waayeen weerar iyo weerar celisna ciyaartu ahayd, ayaa waxa ay Ciyaartu ku dhammaatay barbar dhac ay labada kooxood kala dhashadeen min hal gool oo Rikoodhayaal ah, waxaana kooxda Barwaaqo Electronics u dhaliyey  Ciyaaryahan Cabdiramaan, halka kooxda Haboon Construction Company uu isna u dhaliyey Ciyaaryahan Sikaawi, waxaana labada kooxoodba loo qabtay Rikoodhayaal, waxaana guushu ku raacday ugu dambeyntii oo Rikoodhayaasha, sidaasna ku hantay koobkii Quule Aadan Dool kooxda Barwaaqo.

Tartankan oo muddo ka socday Garoonka Hargeysa Stadium ayaa waxa ka qeyb galay kooxo badan oo ay u ciyaarayeen Ciyaaryahano ka tirsan kooxaha kubada cagta heerka kowaad ee Caasimadda iyo Ciyaaryahanadii hore ee Cuslaatay, waxaanu runtii ahaa Tartan aad u xiiso badan, oo Maalin kasta daawashadiisa ay ka soo qeyb gali jireen dadweyne aad u tiro badan oo hadba kala taageerayey labada kooxood ee ciyaaraya.

Tartankan Quule Aadan Doolna waxa qabtay Kooxda Duufaan ee ka dhisan Xaafada Axmed Dhagax, isla markaana ka mid ah kooxaha heerka kowaad ee Caasimadda.