Dowlad Deyr Iskaga Xidhay Xaafadaha Ay Deggen Yihiin Dadka Faqiirka Ahi, Si Aanay Bilicda Dalka U Xumayn

0
971

Picture9Brasilia (Geeska)- Masuul sare oo ka tirsan dawladda Brazil ayaa sheegay in xukuumadda dalkiisu ay dhisayso gidaar sabbad ah oo xaafadaha dadka faqiirka ah deggen tahay ee ku dhex yaalla caasimadda dalkaas uga ilaaliso inay ku durkaan kuna sii baahaan buuraha quruxda leh ee dunida oo dhan caanka ka ah oo dalxiiska aad loogu tago. Haweenay afhayeen u ah xuuumadda Brazil oo iyada oo joogta magaalada Rio de Janeiro la hadashay war fidiyeenka ayaa sheegtay in derykan loogu talo galay in lagu wareejiyo xaafadaha dadka faqiirka ah, dhismihiisa la bilaabay.

Warkan ooo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegaya in afhayeenkani uu sheegay in booliiska dalka Brazil ay caddeeyeen in xaafadahani ay caan ku noqdeen dilka, rabshadaha iyo weliba suuqyo lagu kala iibsado maandooriyah, isaga oo sheegay in gidaarkan la dhisayaa yahay mid ujeeddo badan ah, oo danaha laga leeyahay ay sidoo kale ka mid tahay ilaalinta kaymaha dabiiciga ah oo laga hortagayo in aanay dadkani deegaamayn ama aanay xaafadahani ku fidin iyo in dadka dalxiisyaasha ah ee sida xad dhaafka ah dhulkan u yimaaddaa aanay arkin dhismayaasha iyo muuqaallada foosha xun ee xaafadahan faqiirka ah.

Dadka ka soo horjeeda fikradda dalka Brazil uu ku doonayo in uu gidaar iskaga wareejiyo dadka faqiirka ah ayaa ku tilmaamay tallaabo takoor ah, isla markaana muujinaysa in si muuqata oo cad dadka reer Brazil ugu qaybsan yihiin laba dabaqadood oo kala ah, dabaqadda sare ee dadka ladan iyo dabaqadda hoose, laakiin fikirkaas xukuumaddu waa ay diidan tahay. Tania Lazuli oo ku hadlaysay magaca wasaaradda shaqada ayaa tidhi, "Ma jiro wax takoor ah oo arrintani keenaysaa, taas lidkeeda waxa ay keenaysaa in guryo loo dhiso maciishadoodana la wanaajiyo. Lazuli oo hadalkeeda sii wadata ayaa tidhi, "Xukuumad goboleedka Rio de Janeiro waxa ay doonaysaa in ay dhamaystirto inta aanu sannadkani dhammaan gidaar ku xeeran dhul masaafaddiisu dhan tahay 11km, oo ku wareegsanaan doona 19 xaafadood. gidaarkan dhismihiisa waxa ku baxaya lacag ka badan 17 Milyan iyo badh doolar… ujeeddada laga leeyahay waa in laga hortago inay fidaan xaafadahan fuqaradu, oo ay gaadhaan dhulka kaymaha ah ee loo dalxiis tago"