Xildhibaan Buubaa Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Boobka Hantida Umadda Iyo Ku Tumashada Shuruucda Wadanka

0
594

Picture5Hargeysa(Geeska):-Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kalena ah guddoomiyaha guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa Xukuumada uu gaadhawadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo si kulul ugu eedeeyey in ay tahay Xukuumadii ugu horeysay ee ugu sharci jabinta badan shuruucda dalka ,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay sifo sharci darro ay dadka ugu adeegsato Ciidamada,sida oo kalena waxaa uu tilmaamay in wax yaabaha ay maanta ku dhaqmayso Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay yihiin waxyaabihii ay hore wakhtigii Mucaaradka si aada uga caban jireen. Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa hadalkan ka sheegay waraysi uu siiyey shabakada wararka ee Hadhwanaagnews."Sida ay umadda reer Somaliland ay ka warqabto Xukuumadani waa Xukuumadii ugu horeysay ee wadanka soo marta ee ku tumata sharciga,dadkii hadalku waa uu ku gudhay,waxaa ay ahayd Xukuumadan oo hore looga eegayey in ay isbadal baahsan ay dalka ka hirgaliso isla markaana ay xaga Shuruucda iy Qawaaniinta ay u hogaan sanaato balse waxaa ay noqotay Xukuumadii ugu sharci jabinta badnayd,waa Xukuumadii sida ay doonto ugu talaabsata oo habayaraate wax tix galin ah oo Dastuurka iyo Qawaaniintu sida ay dhigayaan aanay wax tixgalin ah samayn.waxaan ka war-haynaa  fawdada maalin kasta dhacda,waxaa aynu ka war-haynaa ciidamada sida sharci darrada ah  dadka loogu adeegsado,waxaa aynu ka warhaynaa waxii ay Xukuumada KULMIYE barigii ay Mucaaradka ahayd ay ka qaylin jireen in ay wax ka daran ay maanta sameeyaan,waana dee ceeb qofku waxa uu shalay ka qaylinaayey maanta in uu isagu sameeyo oo uu ku dhaqmo waa wax ceeb ah oo Masiibo ah”.Ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI. Ibraahim Mahdi Buubaa oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu Xukuumada Siilaanyo ku eedeeyey in ay bur burisay hantidii umadda ka dhaxaysay,waxaana uu carabka ku dhuftay Xukuumadani ay gabi ahaanba ay tir tirtay,sida ay doontana u xaraashtay hantidii umaddu ay wada lahaayeen waxaana u u yidhi:“Waxaa sida oo kale aynu la soconaa in Xukuumadani ay noqotay Xukuumadii ugu boobka badnayd ee hantidii umadda bur burisay ee Xaraashtay ee iibisay ee sida ay doonto u gashay,dadkuna la yaabeen.waxaa uu maanta dalku marayaa in la isir tiro hantidii uu Ingiriisku ka dhisay wadanka oo Aqal Aqal iyo Daar Daar loo xaraasho,Xukuumadii Daahir Rayaalena Laba Aqal oo dad ganacsato ah laga iibiyey ayaa uu ka qaylinaayey oo aad ogaydeen waxii laga sameeyey ee Mudaharaad laga sameeyey.maanta tana waxaa ay maraysaa in ay tir tirtaba oo ay raad dawladeed iyo hanti qaran oo umadda ka dhaxaysa in ay jirto ay meeshaba ka saartay”. Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay Xadhiga ay Xukuumadu kula kacday Xildhibaan Jaamac Riyo oo ka tirsan Aqalka Golaha Guurtida Somaliland,waxaana uu sheegay in Xildhibaanada ka tirsan golayaasha Qaranka ee matalaaya shacbiii soo doortay ay mudan yihiin in la illaaliyo sharaftooda iyo karaamadoodaba,isaga oo xadhiga noocan oo kale ah ku tilmamay in uu yahay wax yaabaha ay Xukuumadaha Aduunyadu ku dhacaan ee sababa in Xukunka lagaga tuuro Kacdoon shacbi."Waxaa kale oo ay Xukuumadani ay Caadaysatay in Xildhibaano la soo doortay oo kuraasta ku fadhiya oo Umadda matalaya milgihii,sharaftii iyo karaamadii ay lahaayeen inta ay ka qaado oo ay sharciga ka talaabsato ay Xabsiga u taxaabto,Barbera ayaa aynu ogayn in Xildhibaano shacabku ay soo doorteen ay ku xidh xidhay,maantana Hargeysa ayaa ay ka dhacday in Xildhibaan Golaha Guurtida ka tirsan Xarunta C.I.D-da lagu xidho waa wax layaab ah,waxaanu leenahay waa waxii ay Xukuumad haday waxaas oo kale ku talaabsato ay ku dhici lahayd oo lagu ridi lahaa ama mudaharaad lagu ridi lahaa ama kacdoon shacbi,ama Golayaasha Sharci dajinta ayaa Xil ka xayuubin ku sameeya oo sidaas baa lagu ridaa Aduunyada”Ayuu yidhi Md:Ibraahim Mahdi Buubaa.