Dawladda Masar Iyo Xoghaya Qaramada Midoobey Oo USA Ugu Baaqay In Uu Dhowro Xoriyada Dibad Baxa Salmiga Ah Ee Shacabkisa

0
566

Picture2Qaahira (Geeska)- Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Masar ayaa maalintii Saalasada ee dorraad, 19kii Bishan Siddeedaad 2014ka waxa ay soo saartay war-saxaafadeed ay masuuliyiinta dalka Maraykanka ugu baaqayso in ay is-xakameeyaan, oo ay ixtiraamaan xaqa muwaadinkoodu u leeyahay dibad-baxa uu rayigiisa si nabadgelyo ah ku cabbirayo. Warsaxaafadeedkan oo uu wargeyskan Geeska Afrika soo turjumay waxa ay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ugu baaqday, xukuumadda Madaxweyne Obama in ay dibad-baxayaasha kula macaamisho hab waafaqsan shuruucda iyo  nidaamka dalka Maraykanka iyo kan caalamiga ah labadaba. “Masar waxa ay si dhow ula socotaa, kor u kaca dibad-baxyada iyo cabashooyinka sii badanaya ee ka socda magaalada Ferguson ee dalka Maraykanka iyo sida ay dowladdu uga jawaabayso” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Masar Md. Badar Cabdal-Caadi, waxa aanu intaas ku sii daray, “Baaqa ka soo baxay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon waxa uu ka turjumayaa mawqifka ay dhacdooyinkan ka taagan tahay bulshada caalamku, gaar ahaan marka uu xoghayuhu ku baaqayo in la-is-xakameeyo lana xaq-dhowro xaqa ay muwaadiniintu u leeyihiin in ay dibad-bax silmiya sameeyaan iyo in ay rayigooda cabbiraan. Waxa aanuna la qabnaa rajadiisa ah in baadhitaannada la xidhiidha dilkii wiilkii Maraykanka ahaa  ay ka soo baxdo natiijo si buuxda u iftiiminaysa dilka wiilka Maraykanka ahaa iyo in kiisku cadaalad garsoor helo”

Warkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar waxa uu daba socdaa dibad-baxyada sii xoogeysanaya ee ka socda magaalada Ferguson ee gobolka Missouri ee badhtamaha Maraykanka, kuwaas oo ka bilowday cadho dadweyne oo ka dhalatay dilkii ay 9kii bishan booliiska Maraykanku u geysteen wiil 19 jir madowa ah oo aan hubaysnayn.

Dibad-baxyo mararka qaarkodo rabshada watay ayaa muddo ku dhow laba toddobaad ka socda magaalada Ferguson ee dalka Maraykanka, kadib markii ay isku dhaceen dibad-baxayaal madow u badan ah oo ka cadhaysnaa dilka wiilkaas madowga ah oo booliisku sababo aan illaa hadda lagu qancin ku dhufteen Lix xabbadood oo laba ka mid ahi madaxa kaga dhaceen iyo ciidamada ilaalada Qaranka oo deegaankaas la geeyey kadib markii ay booliisku la tacaali kari waayeen kacdoonnadan xoogga badan. Wiilkan madowga ahaa oo lagu magacaabi jiray Mike Brown waxaa xabadaha ku dhuftay sarkaal booliis oo caddaan ah, taas oo aad uga cadhaysiisay dadka madowga ah oo u arkay cunsuriyad iyo in uu midabkiisa awgeed u xaqirayey sidaa awgeed uu u rasaaseeyey sida in uu la dagaalamayo ruux hubaysan. Madaxweyne Obama ayaa dalbaday in booliiska deegaankaas la hubeeyo si ay isaga caabbin karaan dadka gadoodsan, laakiin xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon ayaa isagu xukuumadda Obama ugu baaqay in ay ballan qaado dhowrista xuquuqda muwaadiniinteedu u leeyihiin dibad baxyada sida nabadgelyada ah u dhacaya iyo in ay ilaaliso shuruucda caalamiga ah ee la macaamilka dibad-baxayaasha. Dibad baxayaasha ayaa booliiska kala hor yimi dhagxaan, quraarado madhan iyo mararka qaarkood quraaradaha ololka lagu tuuro, sidoo kale waxaa magaalada ka dhacay bililiqaysi lagu boobayo goobaha ganacsiga halka goobo kale oo dan guud ahna laga burburiyey, xiisadahan oo sababay in dugsiyada magaalada la fasaxo, magaaladana lagu soo rogo bandoo.

Xukuumadda ka talisa dalka Masar oo uu hoggaamiyo Janaraalkii xukunka xoogga kaga tuuray madaxweynihii abid ugu horreeyey ee si xor ah dadka reer Masar u doortaan ayaanu fiicnayn xidhiidhka ay la leedahay dalka Maraykanka iyo guud ahaan dunida reer galbeedka oo si joogto ah u dhalleeceeya xabbadda nool iyo tallaabooyinka ka dhanka ah shuruucda caalamiga ah ee xuquuqal-Insaanka ee ay xukuumadda Masar kala hortagto dadka rayidka ah ee ka mudaharaadsan inqilaabkii dalka ka dhacay iyo weliba warbaahinta xorta ah. Warkan hadda ay dowladda Masar ku dhalleecaynayso maamulka Maraykankuna waa farriin ay Masar doonayso in ay Maraykanka u sawirto in waxa ka dhacaya magaalada Ferguson ay la mid yihiin waxa ka dhaca Masar, hubka iyo xoogga ay Maraykanku adeegsadeenna aanu ka duwanayn kan Masar adeegsato ee haddana Maraykanka iyo saaxiibbadii ku cambaareeyaan.