Maayarka Hargeysa Oo Soo Dhaweeyay Maayarka Djibouti

0
482

Picture1?Hargeysa(Geeska)-Maayarka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa shalay magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay maayarka caasimadda Djibouti Md. Xuseen Cabdillaahi iyo koox fanaaniin ah.

Maayarka Djibouti ayaa wuxuu sheegay inuu Hargeysa u yimid ka qayb galka carwo ganacsi oo la filayo inay ka furanto Hargeysa. Maayarka Hargeysa oo soo dhaweeyay dhiggiisa Djibouti ayaa yidhi  “Aad ayaan uga mahad celinayaa maayarka Djabouti iyo ku xigeenka sidii ay u ajiibeen inay ka qayb galaan carwadan, socodkani waa kii labaad, waxaana hore u jirtay inaanu anagu hore u booqanay magaalada Djabouti halkaas oo aanu is fahan ka gaadhnay sida ay labada magaalo u wada shaqayn lahaayeen,  waxaanu socdaalkani ku beegan yahay carwada ganacsi ee la qaban doono oo ay ka soo qayb gali doonaan wadamada jaarka ah oo ay Djabouti ugu horaysay Yemeni ku xigto, waxaanan leeyahay waad ku mahadsan tihiin  inaad soo ajiibteen codsigayagii.”

Picture1Maayarka Djibouti, oo isna halkaas ka hadlay ayaa wuxuu yidhi  “Waxaanu halkan ku nimid marti qaad aanu ka helnay maayarka caasimada Hargeysa, si aanu uga qayb galno xaflada bandhig carweedka lagu qabanayo Hargeysa, aniga iyo waftiga aan hogaaminayo oo iskugu jira koox hido iyo dhaqan ah iyo maal qabeeno reer Djabouit ah, waxaanan aad ugu mahad celinaynaa  xukuumada Somaliland, maayarka caasimada iyo shacabka waxaanan leeyahay dadkii idiinku dhawaa ee jaarka ah ayaanu nahay, Anaguna haddii aanu carwo qabanayno mudnaanta koowaad waxa yeelanaya dadka reer Somaliland taasina waa balan.”

Maayarka Djibouti waxa weheliya fanaaniin reer Djibouti iyo qaar ka mid ah ganacsatada Djibouti.