“ Xaabsade Waa la Xumeeyay, Waxaana La Yidhi Dhulbahante Oo Dhami Ha Hoos Tago Dhakool, Baashe Iyo Wasiirka Hawlaha Guud”

0
734

Picture4Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Mujaahid  Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay dayacday inay cilaaqaad iyo wada shaqayn la yeelato Khaatumo, isaga oo xusay inay dadka reer Khaatumo ay yihiin dad reer Somaliland ah, waxaanu Xukuumadda ku dhaliilay in halkii ay cilaaqaad iyo wada shaqayn kala yeelan lahayd Khaatumo ay la yeelatay Puntland isla markaana xidhiidh ka dhexeeyo Xukuumadda Somaliland iyo Puntland, waxaanu sheegay in Gobolada Bari la dayacay, oo Xukuumaddani aanay dan ka lahayn. Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Mujaahid  Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa sidoo kale ka hadlay go’aankii uu Axmed Cabdi Xaabsade uu Somaliland kaga goostay ee uu ku tagay Garoowe, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu xumaysay Xaabsade oo uu sheegay inuu yahay Masuul iyo Oday misaan ku leh Beeshiisa.

Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Mujaahid  Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale isbarbar dhig ku sameeyey Xukuumaddii uu Daahir Rayaale Madaxweynaha ka ahaa iyo Xukuumaddan uu Maanta Madaxweynaha uu ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxaanu xusay inay Xukuumaddii Daahir Rayaale ay aad uga wanaagsanayd Xukuumaddan, waxaanu ugu horeyn isaga oo ka hadlaya Doorashadii Cali Khaliif Galaydh iyo Khaatumo uu hadalkiisi ku bilaabay  “Cali Khaliif doorashadiisa anigu wax weyn uma arko, waxaan  isaga u arkaa inuu yahay Nin asqaysan,  oo laf toobin ku haya, oo wuxuu doonayo runtii inaga daayo aanu isagu garanayn, Tuulo yar oo Saax-dheer la yidhaahdo intuu xoogaa yar oo dad ah iskugu keenay ayuu yidhi I doorta, waa naqaana reerkiisu Carada uu dego, Buuhoodle Shir kumuu qaban karayn, Laascanood Shir kumuu qaban karayn, Xudun Shir kumuu qaban karayn, Taleex Shir kumuu qaban karayn, ilaa Fiqi-fuliye, meel loo ogalaa inuu Shir ku qabsado may jirin, waxaanu iska tagay markii dambe Tuulo yar oo xadka agtiisa ah, meel iyo cid uu xukumayaana ma jiraan”.

Cali Guray oo ka hadlay Siyaasada Xukuumadda ee Gobolada Bari ayaa yidhi “Anigu waxaan ahay dadka saluugsan Siyaasada Xukuumadda Axmed Sillaanyo ee ku wajaahan gabi ahaanba Bariga Somaliland, anigu Khaatumo waxa aan u arkaa dal ahaan iyo dad ahaanba inay yihiin reer Somaliland , waxa aan u arkaa in Khaatumo inaga dhexeeyaan waxa aan inaga dhexaynin Puntland, nasiibo daro Xukuumaddu waa sida kale oo waxa iyada wax ka dhexeeyaan waa Puntland, cida ay taageerayaan waa Puntland,Khaatumo iyo Puntland, waxa ay Xukuumaddu jeceshay Puntland, halkaas ayaana runtii aanu isku diidanahay”.

Cali Guray oo ka hadlay sida uu arko go’aankii Xaabsade uu ka gaadhay Somaliland waxa uu yidhi “Nin weyn waa looga roon yahay inuu marba meel u socdo, laakiin waxa aan aaminsanahay in la xumeeyey Xaabsade, Nin weyn buu ahaa, markii uu Madaxweynuhu isku shaandhaynta sameeynayey kuwa yaryar oo Urur Diimeedyada kuwada jira ayaa Taladii dadka uu Xaabsade Wakiilka ka ahaa oo dhan loo dhiibay, waxaana la yidhi Dhulbahante oo dhami ha hoos tago Dhakool, Baashe iyo Wasiirka Hawlaha Guud, waxa jira Rag Somaliland uga dhaw, waxa jooga Rag in badan u soo dhabar adaygay Somaliland oo uga soo wada horeeyey, Xaabsade Raggaas ayuu ka mid ahaa, Madaxweynuhu haddii uu xilka ka qaaday Abti ayuu u ahaa,inuu agtiisa ka dheereeyo may ahayn, oo marka kuwa yaryari wax wadaan uu yidhaahdo bal Odayga sii mara ayey ahayd, marka uu arin iyo talo gaadhayana inuu u yeedho oo uu yidhaahdo waar bal maxay kula tahay ayey ahayd, intaas ayaan anigu ku dhaliilaya Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisaba, laakiin haddii uu Xaabsade Garoowe tagay isaga ayaa tagay, ee Somaliland wali Somaliland ayey ahaanaysa”.

Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Ceeb ayey inagu tahay in cidi nagu tidhaahdo Dhul Somaliland ka soo baxa, oo aynu aqbalno, haddii aynu inagu doonayno inaynu dhulkaas maamulkeena ku fidino, weynu ku fidin karnaa, balse marka hore su’aashu waxa weeye ma doonaynay inaynu maamulkeena ku fidino Taleex iyo Dhulka Somaliland ee kale, Xudun ayeynaan si fiican u gaadhin, Adduun iyo Lacag badan ayaa ku baxa, Adduunkaasi waa Adduun iyo Cad ka tagay Somaliland oo aan gaadhin Sool iyo Goboladaas loogu talagalay, oo meelaha dhexe ayaa lagu wada lunsadaa, waxaana meesha ka dhisan dawlad dawlad ku hoos jirta, dad xaalada Bariga wax ka tari karana maaha, waxa meesha loogu haystaana waa kooxo kooxo ku xidhan”.

Cali Guray oo ka hadlay Xuduudaha dalka ayaa yidhi “Tan Xuduudaha loo xidhay, waa xaqiiqo jirta, oo Somaliland waxa  loo arkay oo Bulshada Caalamkuna arkeen inay meesha ka baxday dal lagu majeerto  oo ku dayasho leh, umaleeyn maayo in intii uu Axmed Sillaanyo Madaxweynaha dalka uu noqday cid amaanaysa Somaliland, khataro ayaa looga baqayaa inay Somaliland gaboodyo u noqon karto, oo Xuduudaha looga gudbi karo,wixii laga hadlay, ee Wadamada Caalamku kala hadleen, ee  Wadamada jaarku kala hadleen, oo ahayd in Xukuumadda hoos loo eego, iyaga ayaa haysta cidi waxba kama badali karto, xaq ayey u leeyihiin Wadamadu jaarku in Xuduudoodu furnaataoAmnigooda khatar ku tahay, inay xidhaan”.

Cali Guray oo ka hadlaya Siyaasada Arrimaha Dibada ee Somaliland waxa uu yidhi “Siyaasada Arrimaha Dibadu ma jirto, haddi Siyaasada Arrimaha Gudduhu qurux badato, Sawirkaaga Arrimaha Dibaduna wuu qurux bataa, balse haddii Siyaasada Gudduhu fool xun tahay, oo Dimuqraadiyadii baabinayso, ee Madax banaanidii Saxaafadda la dagaalamayso, ee Xoriyatul-qawlkii ka soo hor jeedo, Musuqmaasuqu yahay heerkii ugu darnaa ee Somaliland soo marto abid, miyaanay Siyaasadii Arrimaha Dibada ee dalku fool xumayn”.

Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa jira  Shirkado badan oo Lacag laga qaatay, oo Ninka Wasiirka Macdantu uu Qalin la ordaayo, uu cida uu arko iyo Shirkada uu arkaba uu odhanayo ma kuu saxeexa, oo uu Lacag ka qaadanayo, Hunguriguna waxa uu la maraya  halkii uu Maamulkeenu gaadhsiisnaa, inay ka gudbeen Dhulkii uu Maamulkeenu ka shaqaynayey, intay Shirkado u saxeexeen lagu soo xabadeeyey”.

CalI Guray oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Wax la yidhaahdo Indho-sarcaad ayey Xukuumaddani Indhaheenii ku jeedisay, si loo baabiyo wixii aynu 19-sanno soo dhisaynay, oo wax qabad la yidhaahdo oo Xukuumaddu akhrido, oo Liis dheer oo taxani uu jira, Tusaale ahaan Siyaasad Bare inta uu qabtay Madaxweyne Somaliyeed oo qabtay ma jiro, lagulama dagaalamin, lagumana burburin waxqabad la’aan ee waxa lagula dagaalamay eex iyo qaraabo kiil, Cabudhin iyo Dulmi, marka in marka intaas oo dhan lagaa burburiyo oo dawladaadii la baabiyo in lagu yidhaahdo Waddo dhagax la dhigay iyo Mashruuc ayaa la furay, iska goyso qiimo ahaan, 19-sanno ayey Caalamka oo dhami indhaha inagu hayeen oo ay la yaabanayeen xawliga aynu ku socono,sida aynu khilaafkeena u xalinayno, sida aynu hubka iskaga dhignay, sida aynu Ciidamada u sameeysanay iyo sida aynu Hay’addihii dawliga ahaa u soo dhisanay, oo ahayd wax la yidhaahdo mucjiso, Sannad ayaaba u hadhay Xukumaddane waxa aan filaya inay meesha ka bixi doonto”.

Cali Guray oo isbarbar dhig ku sameeyey Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin iyo Xukuumadda Axmed Siillaanyo ayaa yidhi “Daahir Rayaale Kaahin waxa uu sameeyey wax lagu xasuusan karo, oo ah inuu Somaliland ka soo gudbiyey Marxaladii Shir beeleedka una  soo gudbiyey Dimuqraadiyad, Afar Doorasho ayuu qabtay oo aanu midna Dhiig ku daadan, Madaxweyne Siilaanayana waxa lagu xasuusta oo la taaban karo ma jirto, waxaana qabaa in Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin ka fiicnayd Xukuumaddan Siillaanyo.”