Xukuumada Somaliland Oo Xalay Sii Daysay Odayaashii La Xidh-xidhay Ee Sababay Mudaharaadkii Shalay Burco Ka Dhacay Iyo Xog-Waranka Badhasaabka

0
868

Picture7Burco(Geeska)-Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ayaa shalay banaanbax cabsho ah  ka dhigay gudaha Magaaladda Burco, waxaana banaan baxooda kala dareeriyay ciidamada Booliska oo rasaas ridayay kuwaas oo aanay cidina waxba ku noqon.

Dadweynahan oo iskugu jiray Haween iyo Dhalinayro ayaa cabashadooda kaga soo horjeeday xadhig Xukuumadu habeen hore ku qabqabatay qaar ka mid ah Cuqaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Beesha Cabdale Arab ee gobolka Togdheer oo dhawaan Xukuumadu ka aastay Baraago iyo Dhismayaal ay ku lahaayeen deegaanka Baliga Diiriye Guuleed ee Waqooyiga Burco oo ay isku hayeen Beel ay deegaankaasi wada degaan. Laakiin odayaasha ayaa xalay la soo daayay.

Banaanbaxan oo aan wax rabshado ah gaysayn ayaa dadweynahani socod ku tageen xarunta maamulka gobolka Togdheer ,Dawladda Hoose iyo Wadooyinka magaaladaasi kuwaasi oo taayiro gubay isla markaana ku dhawaaqayay Erayo ay xadhiga Odayaashan kaga soo horjeedaan iyo qodobo kale oo tuuladaasi ku saabsan . “ Waxaanu ka mudaharaadaynaa Baraagahayagii iyo Dhismayaashayadii Baliga Diiriye Guuleed oo mudo dheer jiray oo sharci lahaa ayay Xukuumadda Siilaanyo xoog ku Burburisay ,taasi waa taa . Waxa kale oo dhacday in iyadoo cadaalad-daradaa naloo gaystay ,ayaa hadana xalayto 12 Oday oo ka mid ah Cuqaashayadii iyo Waxgaradkayagii Xabsiga Burco lagu guray ,mana aqbalayno waxyaabaha ay Xukuumadu wado ee waanu wadaynaa Mudaharaadkayaga ilaa iyo inta ay cabashadayada wax ka qabanayso“ Sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah dadkii Mudaharaadayay oo Saxaafadda la hadlay.

Odayaasha waa la sii daayay

Odayaasha la xidhay ayaa dhammaantood xalay fiidkii la soo daayay, sida uu Geeska Afrika u xaqiijiyay xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah wefti ay xukuumadu Burco u dirtay.

Maxaa loo xidhay marka hore

Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka hadlay Banaanbaxan Burco ka dhacay iyo xadhiga odayaashaba,  waxaanu yidhi “  Waxaanu Xalay [habeen hore] xidhnay ilaa Tobaneeyo Aday ,dadka mudaharaadayay waxay ahaayeen eheladii Odayaashaasi la xidhay ,waad arkayseen oo dadkaasi waxay markii hore tageen Xafiiskayga gobolka ,way ka tageen oo hadana Dawladda Hoose ayay tageen ,hadana Jeelka ayay tageen ,waxaaney ahaayeen tiro aan badnayn ,waana markii u horeysay ee dadka reer Burco dad mudaharaadaya aaney dabo galin “.Waxa kale oo Guddoomiyuhu sheegay Odayaasha la xidh-xidhay in ay diideen in ay ,ciidamadooda ka raraan Baliga Diiriye Guuleed, si aaney dhibaatadii hore halkaasi uga dhacday mid la mid ahi aaney u dhicin.