Laba Wiil Oo Dhallinyaro Ah Oo Isku Daldalay Xaafado Hargeysa Ka Tirsan

0
766

Picture6Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay geeriyooday laba wiil oo dhallinyaro ah oo meelo kala duwan oo caasimadda ka mid ah isku daldalay.

Labada wiil oo ahaa laba wiil oo dhallinyaro ah waxa ay isku daldaleen xaafadaha Daloodho iyo Siinay ee degmooyinka Ibrahim Koodbuur iyo Axmed Dhagax. Marxuum Cabdinaasir Abshir Habane ayaa isku daldalay xaafadda Daloodho, halka uu marxuum Shabcaan Cabdi Nuur isna isku daldalay xaafadda Siinay, waxaana maydkooda la arkay subaxnimadii hore ee shalay.

Si rasmi ah looma garanayo sababaha keenay is daldalaada labda wiil, waxase lala xidhiidhinayaa duruufaha nololeed ee wadanka ka jira. Alle haw naxariisto labada marxuum, ehelka iyo qoysaska ay ka baxeena samir iyo iimaan haka siiyo.