Hargeysa: Saddex Carruura Oo Ku Shuf Beelay Gurigooda

0
639

Picture3Hargeysa (Geeska)_Saddex Caruura ayaa Shalay ku dhintay Magaalada Hargeysa, kadib markii uu ku gubtay Gurigooda oo ku yaala Xaafada Daami ee Degmada Gacan Libaax.

Saddexdan Carruura ee ku gubtay Gurigooda oo Walaalo ah, ayaa  waxa ay kala ahaayeen hal Wiil iyo laba Hablood.

Dhinaca kale Maydka Caruurtan yar yar oo loo qaaday Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa iyada oo ilaa hadda aan la garanayn sababta keentay inay Carruurtan Walaalaha ahi ay Gurigan ku gubtaan, ayaa Ciidamada CID-du, baadhayaan sababta keenay dhimashadan naxdinta leh ee dhacay iyo Guriga gubtay.