Xildhibaano Soo Jeediyay In Xilka Laga Qaado Wasiirka Duulista Oo Ay Eedeeyeen

0
590

Picture2Hargeysa(Geeska)- Xildhibaan Bashiir Tukaale iyo Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, isla markaana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani  oo Shalay  qaar ka mida ah Saxaafadda u waramaayey ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay Farriin 14-kii bishan Wasaaradda Duulistu ku soo dirtay Telefoonada, taasi oo sheegaysay in dadka da’doodu ka weyn tahay 15-Jir ee ka dhoofaya Madaaradu ku soo tala galaan bixinta Cashuur dhan 43-Dollar, dadka 15 ka yarna 10-Dolar.

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa sharci daro ku tilmaamay lacagta lagu soo rogay dadka ka dhoofaya Madaarka, waxaanu ku baaqay in aan la bixin Lacagtaas, waxa kale oo uu Golaha Wakiilada ugu baaqay in kalsoonida Wasiirnimo lagala noqdo Wasiirka Duulista Hawada, waxaanu yidhi “Horta waxaan Golaha Wakiilada la marin oo umadda laga qaadi karaa ma jiraan oo waa Xaaraan. Waxa wax lala yaabo ah Farriimo ayaa dadka loo soo dirayay la leeyahay  Lacagtaas ayaa la qaadayaa oo intaas ah, ma isagaa Sharciga Samaysta Ninku(Wasiirka Duulista), Waxani waa jeebkiisa Umaddana waxaanu u sheegaynaa 10 Dolar ayuu goluhu ansixiyay, wixii kale waa sharci daro, waa jeebkiisa, waxay qayb ka tahay  Lunsiga hantida umadda ee la wado.markaa waxaanu leenahay umadda iska jira jeebkiinana gacanta ha galinina arintaasi waa xaaraane”

Xildhibaan Tukaale oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaanu imika soo jeedinaynaa sidii Goluhu kalsoonida ugala noqon lahaa Madaxweynuhu ama xilka ha ka qaado ama yaanu ka qaadine”.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte, oo isna arintan ka hadlay ayaa sheegay inay dhibaato ku tahay dadka imanaya dalkooda ee qurbaha ka imanaya lacagta laga qaadayo ee xaddigeedu badan yahay, waxaanu xusay in Golaha Wakiiladu aanu arintan waxba ka ogeyn, isla markaana ay sharci daro tahay in lacagta  laga qaado Dadka, waxaanu yidhi “Marka u horaysa maaha xeer ka soo baxay Golaha, mana filayo in Goluhu wax ka ogyahay.wixii Cashuur ah ee aanu Goluhu waajibina waa Xaaraan in la qaado,dastuurka iyo xeerkayna ku taalaa”

Xildhibaan Rayte oo hadalkiisa sii wata ayaa  yidhi “Marka laga yimaado Sharciga arin aan wanaagsanayn ayaanu u aragnaa. waxaanu u aragnaa arin culays ku ah dadka qurbejooga ah ee Dalkooda imanaya iyo Caruurta dalkoodii iyo dadkoodii la soo barayo, ee Waalidku tigidhada siday ku helaan ILLAAHAY Ogyahay in haddana Madaarka lagu furto oo lacagta intaas leeg la waydiiyo, waxaanu aragnaa arin aan maangal ahayn oo aan macquul ahayn.”