Xisbiga WADDANI Oo Sharci Darro Ku Tilmaamey Lacago Lagu Kordhiyay Dadka Madaarada Dalka Ka Dhoofa

0
600

Picture1Hargeysa(Geeska):-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sifo sharci darro ku tilmaamay lacago cashuuro ah oo la sheegay in dadka ka soo dagaaya sida oo kalena ka dhoofaya Madaarka Hargeysa lagu kordhiyey.

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md:Axmed Muumin Seed oo shaley qaar kamida warbaahinta la hadlaayey ayaa sheegay in Wasaarada Maaliyada Somaliland ay qaranka uga masuul tahay waxii cashuuro ah ee la kordhinaayo,waxaana uu ku eedeeyey cida doonaysa in cashuuro aan laga soo ansixin Baarlamaanka Somaliland ay dadka shicibka ah ku kordhiyaan ay yihiin kuwo u soo boob tagay shacabka reer Somaliland.

 "Runtii horta inagu waxaa aynu leenahay sharci,hadeynu nahay Somaliland.Wasaarad walibana waxaa ay u xil saaran tahay waa shaqo gaar ah,waxii maaliyada ku saabsan iyo Cashuuraha waxaa aanu u dooranay Wasaarada Maaliyada,wax aaney Wasaarada Maaliyadu aanay soo diyaarin ama wax aanay Wasaarada Maaliyadu aanay kordhin oo aan Golaha Baarlamaanka Somaliland laga ansixin sideedaba.waxaanu leenahay waa wax xaaraan ah,waa wax baal marsan sharciga Somaliland u yaala waana wax la odhan karo cida waxaas samaysay waa boob iyo dhibaato in ay ku hayso shicibka reer Somaliland.runtii waxa weeyaan waxaan Golaha Baarlamaanka aan la marin ee aan cod loo qaadin oo aan laysku raacin,in waxaas oo dhamiba  uu noqonaayo waxaan sharci ahayn "Ayuu yidhi Md:Axmed Muumin Seed.

Md:Axmed Muumin Seed waxaa uu sida oo kale uu si adag uga hadley xaalada uu maanta dalku maraayo isaga oo sheegay in ay ceeb ku tahay qaranka Somaliland in iyada oo uu 24-jirsadey hadana maamul kale lagaga dhex dhawaaqo.

"Waxaad ogtihiin marka aynu siyaasada dalka aynu eegno xaalada maanta uu dalku jiro ama ha noqoto Siyaasada arrimaha dibada ama ha noqoto dhinaca amniga ama ha noqoto xaalada ay maanta Somaliland ku sugan tahay aanay waligeed Somarin. waayo dalka gudihiisa ayaa dawlado laga sameeyey oo dee Khaatumo Somaliland gudaheeda ayaa laga sameeyey taasina waxaa ay ceeb ku tahay qarankeena Somaliland ee 24-jirsadey in gudaha dalkeena maanta dawlad laga sameeyo”Ayuu yidhi Md:Axmed Muumin Seed.