Ergayga Qaramada Midoobay Oo Sannad Iyo Bilo Ka Dib Hargeysa Ka Soo Degaya, Lana Kulmaya Madaxweyne Siilaanyo Iyo Su’aalaha La Isweydiinayo

0
719

fsafafdHargeysa(Geeska)-Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Nicholas Kay, ayaa la filayaa inuu Isniinta beri soo gaadho caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii ay xukuumadda Somaliland martiqaad rasmi ah u fidisay. Ergayga ayaa Somaliland joogaya laba maalmood, waxaanu ka soo kicitimayaa magaalada Muqdisho.

Wasiirka khaarajiga Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa dhawaan cadeeyay inay Somaliland martiqaaday danjiraha. Danjiraha ayaa marka uu Isniinta yimaado waxa la filayaa inuu la kulmo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay isugu dambaysay June 2013, markaas oo uu Madaxweyne Siilaanyo ergayga ku wargeliyay inaan xafiiskiisa UNSOM looga baahnayn Somailland maadaama oo uu ka soo horjeedo danaha qaranka Somaliland, waxaana danjiraha gacanta laga geliyay warqad cadaynaysay mawqifka dawladda Somaliland ee xafiiskiisa.Hase yeeshe wada hadalo uu wasiir Biixi ergayga kula yeeshay magaalada London ka dib waxa la isla qaatay inuu ergaygu Hargeysa yimaado lana wada hadlo. Waana sababta uu Nicholas Kay sannad iyo laba bilood ka dib Beri u soo beegsanayo caasimadda Somaliland ee Hargeysa.Lama arag dagaal toos ah oo uu danjire Nicholas Kay kala horyimid Somaliland mudadaas ay kala maqnaayeen waxase la aaminsanyahay inuu haddana hoosta ka waday dagaalo diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Somaliland iyo siyaasadeeda arrimaha dibadda. Qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee Somailland ayaa hore u baahiyay inay xukuumaddu u xod-xodanayso ergayga bal inuu ka caawiyo sidii looga hortagi lahaa warbixin la sheegayo inay kooxda UN Monitoring group ka diyaarisay shidaal baadhista Somailand, taas oo la aaminsanyahay in lagu soo qaadan doono qaar ka mid ah madaxda sare ee Somaliland, inkastoo ay UN monitoring group awood ka haysato xubnaha golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

Si kastaa ha ahaate bulshada Somaliland ayaa isha ku haya safarka Nicholas Kay waxa uu ka bedeli doono xidhiidhkii aan wanaagsanayn ee ka dhexeeyay xafiiskiisa UNSOM iyo dawladda Somaliland iyo sida ay noqon doonto wada shaqaynta labada dhinac safarkiisan ka dib.