Qofka Oo Isagu Isku Sawira Mobile-kiisu Waxay Astaan U Tahay Kalsooni Darro Iyo In Uu Xanuun Nafsi Ahi Hayo

0
658

Picture10
Obama iyo ku xigeenkiisa: sawir selfie
ah oo uu qaaday M.xigeenka Jo biden
Washington (Geeska)- Dad badan ayaa aynu ognahay in ay jecel yihiin inay gacantooda isku sawiraan, laakiin inta badan isma weydiinno sababta xiisaheeda ku beeray iyo bal in ay leedahay tafsiir cilmiya oo macnayn kara arrintan. Jimciyadda caafimaadka nafsiga ah ee dalka Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo APA ayaa si rasmi ah shaaca uga qaadday in sawirka uu qofku gacantiisa isaga qaadayo oo afka tiknoolajiyadda lagu yidhaahdo ‘Selfie’ uu calaamad u yahay xanuunka nafsiga ah ee loo yaqaanno Psychosis oo ah khalkhal ku dhaca maskaxda iyo maskaxda oo uu ka lumo xidhiidhkii ay la lahayd waaqaca iyo xaqiiqada ama qaybo ka mid ah oo shaqadooda uu madmadow galo.

Majalladda Forbes oo uu wargeyskan Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa sheegtay in kulanka sannadlaha ah agaasimayaasha jimciyaddan oo sannadkan ka dhacay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka oo arrintan laga shaaciyey ayaa isku raacay in xaaladdan cusub ee caafimaadka maskaxda loo bixiyey erey bixinta ah “Selfitis” macnaheeduna yahay qofka oo si aad ah u jeclaada in uu sawirro isagu iska qaado kadibna ku baahiyo bur-kulannada bulshada ee internet ka, waxa aanay sheegeen in sababta ugu weyn ee xaaladdan keentaa ay tahay qofka oo ay ka lumayso kalsoonidii nafta uu ku qabay, kuna beermayo dareen faraya in uu buuxiyo gol-daloolo iyo nusqaan ku timid xidhiidhkii kalgacalka ku dhisnaa ee uu cid kale la lahaa.

Jimciyadda APA waxa ay sheegtay in cudurkan “Selfitis” uu maro saddex marxaladood:

– Xaalad fudud  (Borderline selfitis): Qofka oo maalintii ugu yaraan 3 jeer gacantiisa iskaga qaada sawir, laakiin aan ku faafin shabakadaha internet ku waxa ay muujinaysaa in qofkan maskaxdiisu ay qabto cudurka khalkhalka ku keena ee Selfitis balse uu weli xaalad bilow ah yahay.

– Xaalad daran (Acute selfitis): Qofka oo 3 jeer maalintii iska qaada sawirro, kadibna ku faafiya bar-kulannada bulshada ee internet ka, ayaa muujinaysa in cudurka Selfitis qofkan ku marayo marxalad daran oo haddii aanu xakamayn khasaare gaadhsiin karta shaqada maskaxdiisa iyo xaaladdiisa nafsiga ah.

– Xaalad joogto ah (Chronic selfitis): Haddii ay gaadho in qofku uu maalintii 6 jeer ama ka badan uu sawirro naftiisa ka qaado, kadibna ku baahiyo bar-kulannada bulshada ee internet ka waxa ay calaamad u tahay in xaaladda Selfitis ee qofkan haysaa faraha ka baxday, wax ka qabashadeeduna aad u adag tahay. Jimciyadda APA waxa ay sheegtay in illaa hadda aanay jirin dawo rasmi ah oo cudurkan loo hayaa, haddii laga tegi waayana waxaa lagu dabiibi karaa daweynta lagula tacaalo cudurada kale ee nafsiga ah ee loo yaqaanno CBT.

Sida la og yahay qalabka tiknoolajiyadda ee casriga ah oo kombiyuutarrada iyo talefannada gacantu ugu horreeyaan ayaa inta badan loo sameeyaa kamarado ku samaysan wajaahadda hore, waxa aanay si toos ah ugu xidhan yihiin bar-kulannada bulshada oo ay sawirkaas si toos ah ugu gudbin karaan haddi iuu qofku sidaa doono, arrintaas ayaana la aaminsan yahay in ay qayb ka tahay in qofka xaaladdan Selfitis qabaa uu xiiseeyo in uu sawirradan aad isaga qaado. Sahamin uu sameeyey degelka baadhista ee Yahoo oo uu wargeyskan Geeska Afrika soo turjumay ayaa saadaalisay in sannadkan 2014ka ay dadka dunida ku dhaqani geli doonaan qiyaas ah 880 Bilyan oo sawir, taas oo haddii dadka dunida ku dhaqan loo qaybiyo u dhiganta celcelis ahaan in qof kasta oo dunida ku dhaqani uu gelayo 123 sawir, waxaana la filayaa in sawirradas intooda ugu badani noqon doonto nooca qofku isagu gacantiisa iskaga qaado. Daraasad kale oo lagu sameeyey dalka Ingiriiska, dalabkeedana ay lahayd shirkadda samaysa talefannada gacanta ee SAMSUNG oo laga leeyahay dalka Koonfurta Kuuriya ayaa xaqiijisay in boqolkiiba 17 ragga talefannadan isticmaala iyo boqolkiiba 10 dumarka isticmaala ahi ay sawirro iyagu gacantooda iskaga qaadaan, markii la baadhay sababta ku kallifaysana ay noqotay, iyaga oo doonaya in ay sawir fiican naftooda u sameeyaan awgeed.