Xikmado Kala Duwan Ka Baro Googooska Geeska

0
1220

1. Qudhaanjada Saddex ka baro: Shaqada oo la jeclaado lana laasimo, dadaalka iyo isku dayga tijaabada iyo dib u saxa khaladka kaa dhaca.

2. Shinnida Saddex ka baro: Cunista waxa fiiqan, dhibta iyo daandaansiga oo dadka laga ilaaliyo, dadka oo wax la taro.

3. Gabadha caqliga lihi waa ta ninka ku qiimaysa camalkiisa ee aan eegin jeebkiisa.

4. Qof ku dulmiyey ha u adeegsan qof kale oo daallin ah, waayo kama aamin tihid inay kuu heshiiyaan oo aad labadoodaba ugaadh u noqoto.

5. Haddii ay dadku ku wada hadli lahaayeen waxa ay garanayaan oo qudha, xasilooni iyo degenaanshiyo ayaa meel kasta gaadhi lahaa.

6. Dadka qaar indhahooda waxa ay ku jeediyaan waxa hadda taagan, mustaqbalkana dhegaha oo qudha ayey u jeediyaan.

7. Mar kasta oo ay gabadhu ku mashquusho qurxinta wejigeeda waxa ay dayacdaa qurxinta gurigeeda.

8. Cilmi yar oo ay weheliso edeb badani waxa uu dhaamaa cilmi badan oo aan anshax ku ladhnayn.

9. Hinaasuhu Jacaylkuu la dhashaa laakiin mar lama dhinto.

10. Jacaylku sabab la’aan ayaa uu ku dhashaa, laakiin wax walba wuu sahaydaa.

11. Jacaylkaa maydha calool xumada iyo cuqdadda.

12. Gabadh ha ka dalban in ay ku jeclaato, ee ku qasab in ay ku jeclaato.