Akhri Qisaska Juxa Ee Qosolka Leh.. Juxoow, Maydka In La Hor Socdo Iyo In La Daba Socdo Midkee Aamin Ah…?

0
791

1. Juxa iyo Geerida: Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Juxa ka qayb galay aas dad badani isugu yimaaddeen, raggii aaska ka soo qayb galay mid ka mid ah oo Juxa ku ogaa in uu si aad iyo aad ah uga baqo geerida ayaa Juxa weydiiyey, “Juxoow in maydka la hor socdo iyo in la daba socdo midkee aamin ah?” Ninkani waxa uu filayey in Juxa baqan doono oo cabbaar ka fikir doono labada dhinac ee la sheegay ka aaminka u dhow, laakiin su’aashaas waxa uu uga jawaabay si kale oo xikmad badan, waxa aanu ku yidhi, "Halka aad doonto ka soco mar haddii aanad ahayn ka naxashka ku jira.

2. Murashaxnimadii Juxa: Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Juxa doonay in uu isu soo taago murashaxnimada madaxnimo ee dadkii deegaankiisa, kadib inta uu dhawaaq dheer isugu dhuftay ayaa la isugu yimi goob fagaare ah oo dadka lagala hadli jiray wixii muhiim ahna la isugu gudbin jiray, Juxa inta uu Masraxa fuulay ayuu dadkii cod dheer ugu sheegay in uu doonayo inuu deegaanka madax u noqdo, waxaanu dadkii ka codsaday in ay ku taageeraan doonistiisa madaxnimada, isaga oo weliba u tiriyey waxyaabaha fiican ee uu u qaban doono haddii ay madax ka dhigtaan.

Dadkii goobta yimi ayaa Juxa u sheegay in ay aqbali karaan taas, laakiin inta aanay aqbalin ka hor ay tahay in uu sheego waxa uu dadkan kala dheer yahay ee uu ku doonayo madaxnimada. Juxa waxa uu ku jawaabay, “Waxa aan idin dheerahay in aan saacaddaa imika ah garan karo qof kasta oo idinka mid ah waxa uu qalbigiisu ku fikirayo” Dadkii oo yaabban, iskuna qanciyey in haddii taasi run noqoto uu Juxa mudan yahay madaxnimada uu doonayo, ayaa weydiiyey, “Bal waayahay ee, hadda sheeg waxa qalbigayaga ku jira imika” Juxa waxa uu ugu jawaabay, “Mid kasta oo

Akhri Qisaska Juxa Ee Qosolka Leh.. Juxoow,

Maydka In La Hor Socdo Iyo In La Daba Socdo Midkee Aamin Ah…?

 

idinka mid ahi, waxa uu imika niyadda ku hayaa, in aan been sheegayo” taas oo runtii ahayd.

3. Juxa iyo ninkii uu guriga ka kiraystay: Juxa ayaa beri guri ka kiraystay nin uu garanayey, markii uu Juxa gurigii u soo guuray ayuu arkay ceeb aanu guriga ku ogeyn, saqafka sare ee guriga oo jilicsanaa awgii gurigu waxa uu lahaa sanqadh badan oo dabayshu lulaysay saqafka. Juxa aroortii ayuu u soo cawday ninkii guriga ka kireeyey oo uu u sheegay in saqafka gurigu sanqadh badan samaynayo, sidaa awgeed ay tahay in uu ka sameeyo. Ninkii ayaa ku yidhi, "Waxba ha ka baqin, Saqafku Alle ayuu u tasbiixsanayaa ee" Juxa oo fahmay in ninku khiyaamaynayo, oo weliba diin ku xujaynayo, ayaa yidhi, "Waa runtaa, oo anba waan ogahay, laakiin waxa aan ka baqayaa in qalbi jileecu ka bato oo uu isaga oo sujuudsan nagu soo dul dhaco”.