Gudoonkii Madaxweynaha, Geesinimadii Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Guubaabadii Wasiir Samaale: Weriye Cumar Maxamed Faarax

0
904

Picture2Waxa khamiistii todobaadkii hore si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii xisbiga KULMIYE oo Beryahanba kala irdheeyay xisbul-xaakimkaasi, ka dib markii  madaxweynaha Somaliland  Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu shirkii Golaha Wasiirrada ku soo marti-qaaday Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inay ka heshiiyeen labadoodu khilaafkii u dhaxeeyay, loona baahan yahay in xisbi iyo xukuumad-ba si midaysan looga shaqeeyo danta guud iyo horumarinta dalka. Kulankaas waxa dadka siyaasadda odorasaa ay ku macneeyeen inuu ahaa farriin cad oo uu Madaxweynuhu u gudbinayay Golaha Wasiirrada si loogu war-geliyo inay si rasmi ah u yaqiinsadaan in la suuliyay khilaafkii xisbiga KULMIYE oo in badan oo ka mid ah taageereyaasha xisbigaasi aaminsanaayeen inuu ahaa xanuun kaar badan ku hayay ka dib markii Xukuumadda iyo garabkii uu Hoggaaminayay Muuse Biixi kala fogaadeen, ka dib markii la isku maandhaafay hanaankii loo xulay Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE iyo murrashaxnimadii Muuse Iclaamiyay oo isbiirsaday.

Guddoonkii Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweynaha Somaliland oo gudoominayay shirkii Golaha Wasiirrada ee todobaadlaha ah ayaa Golihiisa Wasiirrada ku war-geliyay inay Guddoomiye Muuse Biixi ka  heshiiyeen wixii khilaaf u dhaxeeyay, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waxaa maanta (Khamiistii) inoo sharaf ah in Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi halkan inala joogo. Waxaan jecelahay inaan idiin sheego in aniga iyo gudoomiyuhu aannu wada heshiinnay, sidaa darteed waxa loo baahan yahay in xukuumad iyo xisbi ahaanba aynnu u wada shaqaynno si niyad-sami ah. Waxaannu ku wada heshiinnay go’aamadii Guurtidu ka soo saartay khilaafkii xisbiga KULMIYE. waxaan u baahan nahay inaynu midnimo, isku duubni iyo isku tiirsanaan ku wada shaqaynno xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba.”

Geesinimadii Guddoomiyaha KULMIYE

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale qirtay in laga adkaaday, waxaanu ereyo kaftan ah ku tuuray Golaha Wasiirrada oo uu sheegay inay dhammaantood isaga ka soo horjeedeen, haddana ilaa imika aanay u mahad celin maadaama oo uu ka hadhay tartankii murrashaxnimadda madaxweynaha ee uu hore u sheegay inuu madaxweyne Siilaanyo kula tartami doono. Waxaana hadalkiisani uu bulshadda u sii bayaaminayaa sida uu u noqday siyaasi bislaaday oo u gaadiiday inuu laabta u soo daayo marka  arragtidiisa laga bato.

“Qoladiinna xukumadda xil goonni ah ayaa idin saaran. Intiinani waxaad ahaydeen intii Madaxweynaha taageeraysay ee aniga iga soo horjeeday. Dee waad naga adkaateen, mahadsanidna namaydaan odhan, waliba waa noo sii cadhoonaysaan qoladiinna xukuumaddu,”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

Guddoomiyaha oo si gaar ah ula hadlayay Golaha Wasiirrada iyo xilka iyo masuuliyadda saaran, waxa uu yidhi  “Waxa la doonayaa inaad xisbigii doontaan oo isla doonataan oo dib-u-heshiisiin xisbiga dhexdiisa ah aynnu galno, si xisbigu halkan uga dhaqaaqo. Intaan idiin hayey waa intaas, raggii kalena (hoggaanka KULMIYE) sidaas ayaan kaga wakiil ahay. Nin walba waa KULMIYE. Nin waliba KULMIYE Guushiisa ayuu doonayaa, xisbigu inuu hagaago ayaana la doonayaa. Qoladiinan xukuumaddu xisbigu wixii uu dhalay idinkaa haya oo dawladnimadii idinkaa haya, Madaxweynuhuna intiinan ayuu ka doortay dadka, xilka ugu weyn-na idinkuu idin saaran yahay iyo sidii aad xisbigii isula raadsan lahaydeen.”

Guubaabadii Wasiir Samaalle

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaalle, oo shirweynihii saddexaad ee KULMIYE ka hor u taagnaa murrashaxnimadda Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa sheegay inuu ku niyadsan yahay in khilaafka KULMIYE si kama dambays ah loo furdaamiyo, waxaanu tilmaamay inuu la dhacsan yahay in xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu ay gacmaha is qabsadaan. “Madaxweyne Annagoo Wasiirradaadii aanu nahay way naga go’an tahay inaanu Guddoomiyaha xisbiga kula shaqeyno Guddoomiyenimadda xisbiga,”ayuu yidhi Cabdi Casiis Samaalle, waxaanu intaas ku kabay. “Waad ogaydeen oo labadii sanno ee u dambeeyey khilaafka xisbiga ee taagan wuxuu ahaa guddoomiyaha xisbiga oo lagu loollamayey. Anigu dadkii hanka lahaa baan ahay, qofkii muddadaas u halgamayey baan ahaa guddoomiyaha inuu xisbiga ka noqdo. Madaxweynuhu goor aan hadhna ahayn, habeenna ahayn ayuu yidhi Cabdicasiisoow hankaaga jooji, kana tanaasul, way igu adkayd. Maalin igu adag bay ahayd oo aad iyo aad iigu adag, waayo waxaad muddo dedaalkeeda soo waday, dareenkeeda soo waday, ololaheeda soo waday oo tiiyoo aan lagaala tashan ka joogso lagu yidhaa culayskeeday leedahay, haseyeeshee is-qadarin, is-ixtiraam iyo isu-dulqaadasho darteed, waan aqbalay, waanan qaatay. Waxaan hanneeyey oo aan ka hadhay hankaygii guddoomiyenimo ee aan kula loollamayey walaalkay Muuse iyo cid kasta oo kaleba.”

 Wasiir Sammaalle waxa uu sheegay in loo baahan yahay in mar walba xisbiga KULMIYE isagoo tartamaya oo dimuqraadi ah, haddana ay jirto wax isku hanayn, waxaanu yidhi “Waa dhab in muddo ah ay dhibaatooyin badan iyo xanafo badan xisbiga gudahiisa yaalleen, laakiin wax kasta oo yaallaba rag baa ka dul-tallaabsada, ragganimaana lagaga gudbaa, geesinima lagaga gudbaa, calool-adayg baa lagaga gudbaa, isu-dulqaadashaa  lagaga gudbaa, wax isa siin baa lagaga gudbaa, wax isu hannayn baa lagaga gudbaa. Waa hubaal in in ka badan laba sannadood iyo siyaado in xisbigeena iyo xukuumaddaba siyaabo badan, iyadoo wax xumaan ah aanay jirin oo aynnu dimuqraadi nahay haddana khilaafku wuu jiray. Han baa la leeyahay, qof kastaana damac buu leeyahay, damacyadaas baana mararka qaar iska horyimaad.”

Wasiirku waxa uu sheegay in xisbiga ay tahay inay xukuumadda ka difaacaan dhaliilaha iyo naqdiga aan munaasibka ahayn ee uga yimaada axsaabta mucaaridka ah ee dalka ka jira.

 Arragtidii Dadweynaha ee furdaaminta Khilaafkii KULMIYE

Ray’ul caamka bulshaddu way ku kala aragti duwanaayeen xal u helida khilaafka xisbiga KULMIYE, in badan oo ka mid ah dadweynaha mawduucan ka dareen celiyay way soo dhaweeyeen waxaanay sheegeen inay arrintani tahay mid KULMIYE iyo xukuumadiisa looga baahnaa mar horeba oo inta aanay cidiba soo dhex gelin ay iyagu sidan oo kale isku laab xaadhaan.

Waxa jiray dadka qaar ka mid ah oo qabay  inay wali ka dhursugayaan waxa ka hirgela heshiiskan la isla qaatay iyo inta uu sii shaqeeyo labadaba, dadka sidaasi qabay waxay dhadhaminayeen ereyo ku jiray hadalkii Guddoomiyaha KULMIYE oo ahayd in la sameeyo dib u heshiisiin, kalmadaasi oo ay dadka fikirkan aaminsaa ay qabeen in loo baahan yahay in la macneeyo waxa  ay daaran tahay.

Waxa kale oo iyana jiray dad ku doodayay in heshiiskani uu meesha ka saarayo  rajadii mucaaridku ka qabeen in khilaafka KULMIYE oo huursan uu gaadho xiliga doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay kal-dambe ka dhacdo dalka. Waxaanay kuwa sidan ku doodayay ay sheegeen in ay wali indhaha ku hayn doonaan illaa inta laga qabanayo shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo aan wali la mudaynin. Waxase jiray dad badan oo aaminsanaa in heshiiskan KULMIYE gaadheen uu yahay calaamad wanaagsan oo u sii gogol xaadhaysa inay mar kale ku guulaystaan doorashooyinka fooda innagu soo haya, waxay kuwa sidan qabay ay madaxweynaha ku bogaadiyeen inuu qaatay qaraar geesinimo ah oo ay ka filayeen isla markaana uu yahay hoggaamiye burjuwaasi ah oo furdaamin kara dab kasta oo ka dhex qarxa xisbigiisa dhexdiisa. Halka rayul-caamka bulshadu ay sidoo kale majeerteen Muuse Biixi Cabdi oo ay ku sifeeyeen inuu noqday siyaasi bisil oo ka dabaal kara mawjadaha siyaasadeed ee is ged-gediyaya.