Maleeshiyaad Tiro Badan Oo Ka Soo Goostay Maamulka Puntland Oo Somaliland Isu Soo Dhiibay

0
873

Picture6Laascanood(Geeska)-Ciidamo ka tirsanaa Maamul Gobolkeedka Puntland, ayaa ka soo goostay, iskuna soo dhiibay Dawladda Somaliland, iyaga oo Ciidamaduna si toos ah u soo gaadheen Taliska jiida hore ee Magaalada Laascanood.

Taliyaha Ciidanka qeybta Todobaad ee ciidanka qaranka Mahad Canbaashe Cilmi, ayaa  sheegay inuu aad u soo dhaweeynayo aadna ugu faraxsan yahay Ciidamadan ka soo goostay Puntland, si toos ahna ugu soo biiray Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaanu leenahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, imatinka aad halkan timaadeen,qaar kale oo idinka dambeeya oo hadhsanina wey jiraan, kuwa kalena waxa aanu leenahay kaalaya Deegaankiina iyo Magaaladiina, Ciidankaasi markii uu Laac-dheere galay, waxa uu ahaa 400-boqol, Soone, Widhwidh, Ceegaag iyo Buuhoodle soonahooda laga qaaday, waxa aan u maleeynaya wax badani meeshii kuma hadhsana, waxa aan u maleeynaya marka aynu Dhulbahante sheegano in Dhulbahante wanaagsanaado oo uu horumar gaadho cidi igama jecla, weynu wada jecalnahay, 14-garaad ayaa  yidhi waanu shiraynaa, markaas ayaanu ku nidhi shira, haddana Saaxdheer waxa ku hadhay hal garaad oo qudha, 13-garaad ee kale meelo kale ayey ku hadheen, 14-garaad markii ay dhameeyeen talada ay soo saari waayeen, Saaxdheer oo hal garaad oo qudhi joogo ayey talo ka soo baxaysa”.

Sidoo kale Taliyaha qeybta laba iyo tobanad ee Ciidanka Somaliland oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamadan ka soo gooystay Puntland ay hadda si rasmiya uga mid yihiin Ciidamada Qaranka Somaliland waxaanu  yidhi “Waxaan aad iyo aad iyo aad ugu mahadnaqaya Ciidamadan ka yimid dhinaca Puntland ee ku soo biiray Ciidanka Jamhuuriyada  Somaliland, ee gartay inay ka mid yihiin Somaliland ee aanay Puntland ahayn,waanu soo dhaweeynaynaa, gacamo furan ayaanu ku soo dhaweeynaynaa, Ciidamada Somaliland ayaad ka mid tihiin”.

Dhinaca kale waxa iyana  halkaas ka hadlay qaar ka mid ah Ciidamadii ka soo goostay Puntland, waxayna sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin inay ka mid noqdaan Ciidamada Somaliland. 

Ciidanka qaranka Somaliland ayaa ah ciidan laxaad leh, waxaanay maleeshiyaadka Puntland u muuqdaan inay ka soo goosanayaan Puntland, kuna soo biirayaan ciidanka qaranka.