Halista Ka Dhalan Karta Liisamada Baabuurta Oo Shirkad Gaar Ah Loo Gacangeliyay

0
727

Hargeysa(Geeska):-Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawaan siisay shirkad gaara daabacaada Liisamada wadayaasha Baabuurta oo ay dhawaan shaacisay in  nidaam casri ah loo sameynaayo.

Sida laga warqabo Wasaarada Hawlaha guud iyo Guryeynta ayaa qandaraaska daabacaada Liisamada aqoonsiga ah ee wadayaasha Baabuurta siisay shirkad gaar loo leeyahay oo daabaci doonta guud ahaanba Liisamada Wadayaasha gaadiidlayda Somaliland. Waa markii u horaysay ee dhukumenti dawladeed loo gacan geliyo shirkad gaar ah, mana jiraan faahfaahino ay xukuumadu ka bixisay sababaha keenay in shirkad gaar ah loo gacan geliyo daabicista dhukumentigan dawladeed iyadoo ay jirto madbacadii qaranku lahaa.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa digreeto uu soo saaray bishii Oktober 2010, wuxuu amar ku bixiyay in meel aan madbacada qaranka ahayn lagu daabici karin dhukumentiyada dawladda. “Mudaneyaal iyo Marwooyin, Aniga oo ka duulaya waajibaadka ay madbacada qaranku u xil saaran tahay, waxaan farayaa Wasaaradaha Dawlada iyo Ha’yadaha Dawlada in laga bilaabo taariikhda wareegtadan wax kasta oo ay daabacanayaan ay ka daabacdaan Madbacada qaranka, waxa reeban in meel kale wax laga soo daabacdo.”

Isagoo ka hadlaya dhinaca dhaqaalaha, amarna faraya baanka, hantidhawrka iyo xisaabiyaha guud, wuxuu yidhi “Waxaan ku adkaynayaa Baanka, Hantidhawraha iyo Xisaabiyaha Guud in aanay bixin kharash daabacadeed oo lagu tallo galay in meel kale wax laga soo daabacdo.”

Amarkan Madaxweyne Siilaanyo waxa ka horeeyay laba digreetoo oo ay madaxweynayaashii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ku mamnuuceen in meel aan madbacada qaranka ahayn lagu daabici karin dhukumentiyada dawladda.

Waxa xusid mudan in wakhti ka mid ah wakhtiyadii Daahir Rayaale, la isku dayay in liisamada baabuurta wadistooda lagu daabaco mid ka mid ah madbacadaha gaarka loo leeyahay, laakiin markii la ogaaday waxa uu Madaxweyne Rayaale xilalkii ka qaaday saddex masuul oo ay ku cadaatay inay ku lug lahaayeen arrintan.

Si kastaba ha ahaatee arrintan oo keliya, maaha ee waxa iyaguna jira dhukumentiyo ay dawladu maamusho oo ay dad gaar ahi doonayaan in si madaxbanaan loogu gacan geliyo, waxaanay arrimahani halis gelin doonaan dhukumentiyada dawladda oo si fudud shacaka ugu gacan geli kara, iyadoo la ogyahay in waxyaabo badan oo ay dawladu gacanta ku haysay la madaxbanaaneeyay.