UCID Oo Ka Digay Khatar Ka Dhalanaysa Shirkado Ay Xukuumadu Heshiisyo La Gashay

0
820

Picture5Hargeysa(Geeska):-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa si adag uga digay khatarta ka dhalan karta heshiisyo qarsoodi ah oo ay sheegeen in Madaxda Xukuumada Madaxweyne Siilaayo ay la galaan shirkado guranaaya khayraadka Dekadaha iyo Badaha ku jira.

Xoghayaha Kaluumaysiga Khayraadka Badda ee Xisbiga UCID Md: Cabdilaahi Cumar Xuseen (Shaqale) oo warbaahinta qoraal kooban soo gaadhsiiyey ayaa sheegay in ay heshiisyada qarsoon ee la’la galaayo shirkado Xaalufinaaya khayraadka Dekedaha iyo Badaha Somaliland ay halis ku yihiin dadka iyo deegaanka ku nool badda gudaheeda,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in shirkadaha heshiisyada lala galayaa ay yihiin shirkado tuugo ah.

"Waxaan halkan ka salaamaya warbahinta Somaliland Iyo dhamaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogan  Waxaan leeyahay kulu caam wantum bikhayr iyo ciid mubarak ,Waxana halkan canbarayn uga dirayaa Madaxda Somaliland oo aan leeyahay halaga daayo sida Qarsoodiga ah ee heshiisyada loola galayo shirkadaha tuugta ah ee khayraadka Dekedaha iyo Badaheena Xalufinaya”.Ayuu qoraalkiisa ku yidhi Xoghaye Shaqale.

Md:Cabdilaahi Cumar Xusseen oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi uu ku daray:“Waayo hore ayeynu u soo aragnay qaar hore si qaldan looga saxeexday waxii ay ku dhamaatayna waad ogtihiin, waxa layidhi wixii qalad lagu galaa qalad ayey ku dhamaaan, wayo waxay khatar ku tahay Dadka iyo Degaanka ku nool bada gudeheeda iyo Barigeda, waxa kale oo aynu ognahay khatartii ka dhalatay Suntii lagu shubay badaha Taas oo ilaa hada ay socoto dhibteedu”.

Ugu danbayntiina waxaa uu ugu baaqay shacbiga reer Somaliland in ay ka feejignaadaan heshiisyada qarsoodiga ah ee ay Xukuumada Madaxweyne la galayso shirkadaha AJaanibka ah ku waasi oo aan la soo marin baarlamaanka Somaliland si uu unoqdo mid sharciga waafaqsan.

“Waxa shacaka reer somaliland u shegayaa inay ka fojignadaan Arimaha hada ka socda Xukumada Kulmiye oo wasiradeedu ay heshiisyada la galayaan dawladaha aynu jaarka nahay iyada oo aan barlamaanka la soo marin waxana leyahay  waxii heeshisyo ah waa in la horegeyo golaha wakiilada si uu u noqdo wax sharciga wafaqsan”.Ayuu yidhi Md:Cabdilaahi Shaqale.