Israaiil Oo Duqaymo Xoogan Ku Haysa Magaalada Qasa Iyo Maatada

0
738

Picture4Ugu yaraan 110 qof ayaa ku dhimatey weeraradii u danbeeyey ee Israel ay qaadeen habeen hore ilaa waaberigii shalay, sida ay ku waramayaan dadka deegaanku.

Weeraradan xooggan ayaa imanaya iyada oo Golaha Amaanka ee Qaramada Midobey maalintii Isniinta dalbadeen in xabbad joojin xujo la’aan ah ay ka hirgasho Israel iyo Xamaas dhexdooda, Sida taariikhda lagu hayo Israel ayaan weligeedba u hoggaansamin qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobey.

Sida laga soo xiganayo Suxufiyiin ku sugan Qasa habeen hore wuxuu ahaa markii u xooganaeyd ee Yuhuuddu ay duqeeyaan Gaza tan iyo markii ay weerarka bilaabeen.

Khudbad uu maalintii Isniintii ka jeediyey Raysalwasaaraha Israle Benjamin Natanyahu telefishanka Israel ayuu sheegey in hawlgalada ay ka wadaan GAZA ay noqon doonaan kuwo daba dheeraada, Waxaana uu shacabka Falastiin ee GAZA ugu baaqey in ay guryahooda isaga cararaan.

Wax yar kadib khudbadiisa cirka GAZA waxa uu noqdey mid qiiq buuxiyey halka habeen hore nal iyo iftiin looga dhigey madaafiic iyo gantaalo, Magaalada Rafax waxa gantaalada Yuhuuddu ku dileen shan qof oo dumar ah iyo ilmo yar, sidoo kale xerada qaxootiga ee Bureyj waxay ku dileen 7 qof oo kale, Isla habeen hore waxaa Israel ay duqeysey Ismaaciil Hanniya gurigiisa laakiin ma jirin cid la sheegey in ay ku dhimatey. Wakaalada wararka ee Reuters ayaa iyaduna waxay ku warramaysaa in la aaminsanyahay in guriga aanay cidna ku sugnayn markii uu weerarkaasi dhacayey

Ururka Xamaas ayaa sidoo kale sheegaya in la weeraray Telefishin iyo Raadiya uu leeyahay ururka.

Dhanka Israel ayaa la sheegayaa in 24saac ee u danbeeyey laga diley shan askeri, taas oo dhimashada ciidamada Yuhuudda gaarsiineysa 53 askeri tan iyo markii ay weerarka dhulka ah bilaabeen.

Tan iyo markii Israel ay duqeynta ku bilowdey Qasa waxaa ay ku dileen 1100 oo qof oo falastiiniyiin ah. Inta badan dadka ay dileen Yuhuuddu ayaa ah dad rayid ah oo aan ka mid ahayn kuwa hubeysan, caruur iyo haween iyo dad waayeel ah ayeyna u badnaayeen.