Fanaaniinta Xidigaha Geeska Oo Raaligelin Ka Bixiyay Waraysiyo Ay Siiyeen Telefishanka Dawlada Somaliya

0
895

Picture3Hargeysa(Geeska):-Kooxda Fanaaniinta ee Xidigaha Geeska ayaa raali galin ka bixiyey Barnaamijyo waraysiyo ah oo ay siiyeen Telefeeshanka Qaranka Somaliya. Shir-jaraa’id oo ay Shalay ku qabteen Magaalada Hargeysa oo uu ugu horayn ka hadlay Guddoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa waxaa uu sheegay in  waraysiyadaasi ay bixiyeen ay cid kasta oo dhibsatay ay ka raali galinayaan,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay cadaynayaan in Kooxda Xidigaha Geesku yihiin koox u dhalatay Jamhuuriyada Somaliland isla mar ahaantaana ku dhaadata kuna faana dalkooda Somaliland.

“Waxaa jiray waraysiyo yar yar oo aanu bixinay kuwaasi oo ay jawaabo qaldani ka soo noqdeen,waxaanan cadaynayaa marka koowaad waraysiyadaasi nooca ay doonaanba ha ahaadaanee iyaga oo suugaanta uun ku salaysnaa cidkasta oo dhibsatay waan ka raali galinayaa .Waxaanan cadaynaynaa in kooxda Xidigaha geesku ay yihiin koox ku dhaata u dhashay dalkan Jamhuuriyada Somaliland oo ku faana,hadaan nahay kooxda Xidigaha geeska makasta waxaanu ku faanaa oo aanu ku faraxsanahay in aanu hooyada fanka ee Hargeysa aanu kor uqaadnay,waxaanan soo dhawaynaa dadkasta oo fankayaga ku soo hirata,taageerayaashayadana meel ay joogaanbana waanu uga mahad celinaynaa sida balaadhan ee ay dareenkooda iyo dhagahoodaba ay noo siiyaan”.Ayuu yidhi Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax.

Abwaan Xasan Dhuxul Laab-Saalax oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sida oo kale ka hadlay waxyaabaha ku kalifay in ay waraysi noocan oo kale ah ay siiyaan Telefeeshanada Qaranka Somaliya iyo ka Universal ay ahayd oo qudha codsiyo fara-badan oo uga yimi guud ahaanba Umadda afka iyo dhaqan wadaagta ay yihiin,waxaana uu yidhi:

“Waraysiyada aanu bixinay ee dhamaantoodba ayaa telefeeshanka Universal oo kale waxaa uu ahaa telefeeshan ay Xukuumada Somaliland ay ka xayirtay waraysibaanu siinay,waraysigaas aanu siinay shacabka iyo Xukuumadaba waanu ka raali galinaynaa,waxaanan shirkan Jaraa’id aan kaga faa’idaysanayaa talada kooxda xidigaha geeska maaha mid uu qof kaliyaata uu gaadho,waa talo wadareed aanu  markasta rog rogno deedna aanu qaadano,sidaas darteed  wax kasta oo xidigaha geeska ku saabsani waa Fan,siyaasada kooxdu waa ay ka madax banaantahay waa koox dhalin yaro ah waa koox sida ay dadka ugu faanayaan loo baahan yahay in dadkuna ay ugu faanan.Waxaa nagu kalifay Umadda af iyo dhaqan wadaagta ah ee Somaliland codsiyadooda oo aad noogu batay ayaa nagu kalifay,in aanu taageerayaasha tix galino oo ka wajeer jooga iyo ka Jabuuti joogaaba codkayaga meel uu ka maqlaayaba aanu siino,waxaa nagu khasabtay codsiyadooda”.

Afhayeenka Kooxda Xidigaha Geeska Cabdirisaaq Xaamud Caydiid Jaylaani oo isna dhankiisa halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi:

”Inta joogta iyo inta maqaniba nin waliba waxaa uu kooxda kaga mid yahay Mihnadiisa nin’na shaqada Siyaasada ma qabto ,Somaliland maanta kama mid noqonayno oo Xornimo sumadleh nimankii yidhi halkan ayey fadhiyaan ,heestii gooni isu taag nimanka ku heesa waa nimankan oo ninkii sameeyeybaa halkan fadhiya heeso badan oo wadaniyada ayaanu qayb ka qaadanay”.