Weriyihii Shabakadda Wararka Ee Baligubadle Oo Hargeysa Ku Xidhan

0
1150

Picture2Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa Axadii 27 Jully, waxa ay magaalada Hargeysa ku xidhay weriyihii shabakadda wararka ee Baligubadle weriye Axmed Aden Rooble.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, ayaa laanta afka Somaliga ee BBC u sheegay in saxafigan loo haysto war uu sheegay inuu ka qoray caafimaadka Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inuu yahay war been abuur ah. Ururka SOLJA ayaa xadhiga saxafigan ku tilmaamay mid aan loo marin sifo sharci ah.

Waxa isna magaalada Hargeysa ku xidhan Maxamed Caabi Digaale, oo ah agaasimihii Somaliland u qaabilsanaa telefishanka Universal. Maxamed Caabi, waxa isna loo haystaa barnaamij uu telefishanku Hargeysa kaga qabtay koox fanaaniin ah, iyadoo la ogyahay inay xukuumadu hore u mamnuucday telefishankaas.

Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata inay dagaal ba’an kula jirto saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland, waxaana la ogyahay inay xayiranyihiin labada Wargeys ee Haatuf iyo Hubaal.

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa Axadii 27 Jully, waxa ay magaalada Hargeysa ku xidhay weriyihii shabakadda wararka ee Baligubadle weriye Axmed Aden Rooble.