Shaqo Iyo Mustaq Bal La’aanta Dhalin Yarada Somaliland Iyo Arxan La’aanta Siyaasiyiin Isku Sheega Iyo Tijaarta

0
849

Picture2Somaliland maanta waxaa ka jira shaqo la’aan xadka dhaaftay Taas oo sabab tay inay dhalin yaradii ka qul-qulaan dalka hooyo.

Boqolal dhalin yaro ah ayaa maanta wax barashadii dhameeyey oo meel Ay u ciirsadaan hayan inankii aabihii lahaa dukaan wuu la shaqeynayaa ,isagoo Laga yaabo inuu wuxuu bartay wadanka wax weyn ka qaban laheyd oo uu

Yahay aqoon yahan sayntis ah ,kii haysta khadka wasiiradana meel ayaa madaxa loo Galin .nasiib daro kii aan cid hay sana gidaaraduu fadhiisanayaa.waxaad arkaysaa suqaqa Magaalooyinka waa weyn oo ishu isqabatay dhalinyaro meel kaste ,musiibadaasina.

Maanta waxay kalif tay in ay dhalin yaradii tahariib maciin sadaan ,wax ku dhinta iyo wax Xoogodii iyo maskaxdoodii dalal kale laga la.hadaba ayaa sabab u ah dalkani inuu noqdo meel Laga haajiro .anigu waxaan aamin sanahay in ay usabab yihiin raga fadhi ku dirirka ee u soo shaqotagay inay ummadan ku raaxeystan xoolahooda ,ragani waxay sheegtan siyaasiyiin Laakiin badan koodu waa khaa’imiin hamigoodu uu yahay inay shacab kan yare ee miskiinka  Ka ah danahooda gaarka ah ka gaadhan.

waxaa soo raaca nimankaan oga layn inay wadanka galiyaan dhaqaale culus oo warshado ah ama bixiyaan cashuurta xaqa ah .wadanka maanta waxaa u taliya tijaar yar iyo ardaydii isticmaarkii ee ka baxday iskuulada camuud, sheikh, Dayaxo i.w.m.kuwaas oo ku guul daraystay inay ummadan horumariyaan shaqo iyo

Cadaaladna ka dhex abuuran .anigu waxaan aamin sanahay in ay wado khalada haystaan Kuna mashquulen dawladii,xisbiyadii iyo tijaartii wax ummadan aan waxba u qabaneyn Shaqadoodiina ka leexden ,waxaan hada ku talinayaa inay dhalin yaradu toosan ooy laXisaabtaman dawlada iyo xisbiyada ,kuna biiran dhalinta aqoonta leh quwadaha siyaasadaha ee kala duwan hadii aydaan xaqiina doonan niman caruurtoodii yurub ku noolshay oo sita passport Shisheeye indiin niximaayan.

waad og tiin sidii aad u dayacdeen golohii degaanada maanta Waa la wada ogyahay dhibaatada ina haysata inay maanta magaalooyinkeeni musuq xadka Dhaafay ku hayaan raga jaahiliinta ah ee ay inoo keenen xisbiyadii siyaasadu iyagoo aan soo Xulin dad tayo leh.anigu waxaan aminsa nahay in shaqo abuur dhaci karo hadii daacad nimo  lahelo ,fikradahana la isku ururiyo oo la dadaala dhamaan ummadani.

Waxaan u sheegayaa in maanta uu dalkeenu khatar dhinac u saran yahay oo la waayi Dhoono dhalintii waalidku kusoo tabcay .anigu intii aan joogay qisooyin cajiiba ayaan la Kulmay. maalin maal-maha kamida ayaa anigoo iska dhex socda xaafadaha magaalada, Ayaa waxaa isalaamay saddex dhalin yaro ah markii aanu salaantii is dhaafsanay yey waxay Igu yidhaahdeen adeer waxaanu doonayaa inaad war naga siiso bal yurub.

waxaanu dhawaan Kusii jeedna dalka masar  mida kale bal dalkee ayaa ugu  fiican in loo tacabiro yurub dhalintii Waan u caqli celiyey waxaan u sheegay in ay hadii ay tahriiban geeri iyo nolol labadaba Lakulmi doonan oo  laga yaabo xataa in kal yaha lagala baxo.

nasirgeeljire1@hotmail.com