Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Lagu Baadhay Qasriga Madaxtooyada Ee Masar Iyo Dareenada Kala Duwan Ee Qaahira Iyo Washington

0
563

Picture4Qaahira (Geeska)- Saraakiisha ammaanka madaxtooyada dalka Masar ayaa khamiistii 24ka Julaay 2014ka baadhitaan la mid ah ka lagu sameeyo dadka caadiga ah ku sameeyey xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka John Kerry iyo masuuliyiin wasaaraddiisa ka tirsan oo kulan la yeelanayey madaxweynaha Masar Cabdifataax Siisi. Sawirro maqal iyo muuqaal ah oo warbaahintu heshay ayaa muujinaya sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka oo John Kerry u isticmaalaya qalabka amniga ee la mariyo qofka la doonayo in la ogaado waxa ugu qarsoon dharka hoostiisa, isaga oo qalabka mariyey illaa lugaha hoose ee surwaalka wasiiirka. Arrintan ayaa ah mid aan caadi ahaan looga baran guud ahaanba dalalka dunida marka la qaabilayo masuul muhiim ah, gaar ahaan wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka oo lagu tilmaamo diblumaasiga ugu awoodda badan dunida, marar badanna ay dhacdo in masuuliyiinta darajadoodu hoosayso ee shisheeyaha ahi haddii ay kulan isugu yimaaddaan ay ku daba dhuuntaan xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka si ay iyaguna baadhitaanka uga badbaadaan.

Sida ka muuqata warbixinahan uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay, walaaladaha wararka ee caalamiga ah, Masuuliyiinta ammaanka Masaarida ee ka hawgala Qasriga Itaxaadiya ee uu deggo madaxweynaha dalku waxa ay sidoo kale aad u baadheen masuuliyiinta la socday John Kerry oo ay ka mid ahaayeen ku-xigeenka agaasimaha maamulka xafiiska wasiirka Jonathan Vayner, la-taliyaha koowaad ee wasiirka David Thorne iyo haweenayda ah afhayeenka rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka Jen Psaki, iyada oo weliba masuuliyiintan qaarkood lagu amray in ay dibadda u soo saaraan waxa jeebadaha ugu jira.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka:

Ku-xigeenka afhayeen wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka oo lagu magacaabo Marie Harf ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatay xarunta wasaaradda, waxa ay ka gaabsatay inay wax ka tidhaahdo tallaabadan lagula kacay wasiirkeeda. “Waxba ka odhan mayno waxa ku dhacay wasiirka arrimaha dibadda. Hore ayaanu u caddaynay in aanaan ka hadlayn, ma jirto sheeko arrintaas la xidhiidhaa, Masar waa dowlad muhiim ah, oo daraf awood badan ka ah wada hadallada hadda socda ee xalka loogu raadinayo qadiyadda Falastiin” ayaa ay tidhi Marika Harf.

Madaxtooyada Masar:

Afhayeenka madaxtooyada Masar Ihaab Badawi ayaa isna mar uu ka hadlay baadhitaanka lagu sameeyey xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka John Kerry waxa uu ku dooday in heerkii uu falkaasi mudnaa aad looga sii buun-buuniyey, waxase uu si dadban u caddeeyey in sababta baadhitaanka wasiirka keentay ay tahay shaki ka yimi in ay jiraan wax aan sharci ahaan la ogolayn oo uu wasiirku sito, shakigaas oo yimi markii mishiin loogu talogalay in la hoos maro oo ku dhawaaqa qofka sita wax macdan ama bir ahi uu ku qayliyey wasiirka, ereyada nuxurkan laga dheehanayo ee uu afhayeenku yidhina waxaa ka mid ahaa, “Baadhitaanku waxa uu yimi markii ay dhawaaqday ishaarada qalabka baadhista birtu” waxase uu ku dooday in arrintan aanu wasiir Kerry wax diiqad iyo didmo ah ka muujin, isaga oo ku andacooday in masuuliyiinta reer Masar ee dibadda u dhoofaba sidaas uun loo baadho.

Si kastaba ha ahaato ee warar lagu kalsoon yahay oo ay warbaahinta dalka Masar ka heshay ilo ku dhow madaxtooyada dalakas ayaa xaqiijiyey in baadhitaanka lagu sameeyey John Kerry iyo masuuliyiinta la socotay ay ahayd mid ku talogal ah oo amarkeedu si toos ah uga soo baxay masuuliyiinta ugu sarraysa madaxtooyada dalka Masar, taas oo lagu sheegay in ay ahayd farriin ay Masaaridu dalka Maraykanka iyo dunida kalaba ugu sheegaysay in xaaladihii siyaasadeed ee dalka Masar ay is beddeleen iyo in qasriyada dalkaas looga taliyaa aanay ahayn sidii hore kuwo ugu dhego nugul uguna furan masuuliyiinta Maraykanka iyo cid kasta oo aan madaxda cusub ee Masar qabsatay ku garab istaagayn sida ay iyagu doonayaan.

Masuuliyiinta warkan warbaahinta u sheegay waxa ay daliil cad oo la rumaysan karo ka dhigteen in filimka muuqaalka ah ee arrintan laga duubay uu yahay mid ay qaadeen kamaradaha gaarka ah ee ammaanka madaxtooyada dalka Masar, kadibna si badheedh ah inta looga soo saaray loogu gudbiyey warbaahinta.

Rayul-caamka guud iyo warbaahinta:

Tallaabadan ay masuuliyiinta ammaanka madaxtooyada Masar ku baadheen wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka John Kerry iyo gacanyarayaashiisu ka hor intii aanay u gudbin gudaha qasriga oo ay kula kulmayeen madaxweyne Cabdifataax Siisi ayaa Maraykanka iyo Masar mid walba dhankiisa uga dhalisay doodo iyo muranno siyaasi ah oo la xidhiidha. Xeel-dheerayaasha cilmiga xidhiidhka iyo shuruucda caalamiga ah, iyo khubarada ammaanka ayaa siyaabo kala duwan arrintan uga hadlay, waxa ay qaarkood ku macneeyeen in ay tani astaan u tahay xaaladda amni ee xun ee hadda ka jirta Masar laakiin kuwo kale ayaa ku doodaya in xaaladda amni ee aanay arrintani xidhiidh la’ lahayn balse ay tahay astaan muujinaysa heerka xun ee uu marayo xihdiidhka Qaahira iyo Washington. Dr. Mustafa Sacdaawi oo ku xeel-dheer qanuunka caalamiga ah ayaa mar uu arrintan ka hadlay waxa uu sheegay in xeerarka caalamiga ahi ay diidayaan in la baadho masuul kasta oo diblumaasi ah iyo shandadaha diblumaasiyiinta labadaba, waxa aanu ku dooday in cidda baadhay John Kerry ay meel kaga dhacday xeerarka iyo anshaxa diblumaasiyadeed ee caalamiga ah. Khabiirkan oo sheegay in tallaabada noocan ahi ay xumayso xidhiidhka diblumaasiyadeed ee dowladaha waxa aanu tusaale u soo qaatay mar sannadkii 1979kii uu meel aad u xun gaadhay xidhiidhka Maraykanka iyo Ingiriisku kadib markii dalka Ingiriiska lagu baadhay diblumaasi Maraykan ah. “Falkani waxa uu Maraykank siin doonaa marmarsiinyo ay iyaguna ku baadhaan diblumaasiyiinta iyo madaxda masaarida” ayaa uu yidhi khabiirkani.

The Guardian: “Malaha Kerry ma’ uu filayn in uu qof la tuhunsan yahay noqdo”

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid lagu doonayey in Masar ay ku muujiso madax bannaanideeda, laakiin ay dullayn iyo xaqiraad ku tahay wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanak. Wargeyska The Guardian waxa uu tilmaamay in falkani uu yahay weji gabaxii labaad ee uu wasiir John Kerry muddo bil ah gudaheed kala kulmo dalka Masar. Wargeysku waxa uu dhacdada hore ku sheegay xukunkii arxan darrada ahaa ee ay Masar ku ridday wariyeyaashii ka tirsanaa talefishanka caanka ah ee Al-Jazeera, xukunkaas oo baal marsanaa xuriyadda warbaahinta ayaa ay Masar ridday hal maalin uun kadib markii uu John Kerry boqoosho ku yimi magaalada Qaahira isaga oo weliba u socday in uu madaxda cusub ee Masar kala hadlo xorriyadda saxaafadda uguna bishaareeyo in dalkiisu uu dib u bilaabayo caawimadii uu siin jiray Masar oo hakad uu geliyey markii milaterigu uu inqilaabay madaxweynihii la doortay ee Maxamed Mursi, arrintaas oo waqtigeedii lagu tilmaamay in ay muujinayso sida ay daciifka u tahay diblumaasiyadda Maraykanku.

Wargeyska The Guardian waxa uu warkan cinwaan uga dhigay, “Malaha Kerry ma’ uu filayn in uu qof la tuhunsan yahay noqdo” waxa aanay falkan ku tilmaamtay dullinimo iyo weji-gabax ku yahay masuulka ugu sarreeya diblumaasiyadda Mararykanka. “Safarrada uu Kerry isaga dab-qaadayo (Dalalka) Bariga dhexe, si uu Israa’iiliyiinta iyo Xamaas ugu qanciyo in ay xabbadda joojiyaan, marnaba maskaxdiisa kuma ay soo ridin in ay suurtogal tahay in uu isaga laftiisu noqdo khatar hubaysan oo ay tahay in la iska baadho” ayaa uu wargeysku ku yidhi warbixintiisa.

Wargeyska Macaarif: “John Kerry waxaa laga dalbaday in uu jaakeedka bixiyo si loo baadho”

Wargeyska Macaarif oo ka soo baxa Israel ayaa isna qoray in baadhitaanka ay masuuliyiinta ammaanka madaxtooyada Masar kula kaceen wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka iyo masuuliyiinta la socotay uu yahay xaqiraad iyo dullayn weyn. Waxa aanay tilmaamtay in ay tahay markii ugu horreysay ee masuul darajadan ah oo Maraykan ah sidan loo baadho taariikhda. Wargeyska Macaariif waxa uu sheegay in arrin aan caadi ahayn ay tahay, waayo wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka waxaa laga dalbaday in uu iska bixiyo jaakeedka si loo baadho oo uu u maro albaab uu ku rakiban yahay qalabka baadhista ee kombiyuutarka ku shaqeeyaa.

Gunaanad:

Marka laga tago xurguta diblumaasiyadeed ee u dhexeysa maamulayaasha hadda ka taliya dalka Masar oo uu hoggaamiyo taliyihii ciidamada ee xoogga xukunka kaga tuuray madaxweynihii abid ugu horreeyey ee hab dimuqraaddi ah dalkaas loogu soo doortay Maxamed Mursi, waxaa iyaduna jirta is mari waa labada dhinac u dhexeeya oo la xidhiidha heshiiska ay Masar diyaarisay ee la doonayey in xabbad joojin lagaga dhaliyo Falastiiniyiinta iyo Israa’iil, kaas oo ay diideen Xamaas iyo dalalka taageera ee ay ka midka yihiin Turkiga iyo Qatar oo colaad ba’ani u dhaxayso maamulayaasha cusub ee Masar, balse uu Maraykanku u muuqdo in uu warkooda dhegeystay doonayana in wax ka beddel lagu sameeyo heshiiska xabbad joojinta ee Masar.