“KULMIYE Waxaa Uu Dalka Dib Ugu Soo Celiyey Qabyaaladii”

0
938

Picture3Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Xoog) oo ka mida Xildhibaanada Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland sida oo kalena ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay in aan Xukuumada KULMIYE si toos ah aanay u fulunin balan qaadyadii ay hore ugu soo olelaysatay,waxaana uu ku eedeeyey  in ay dalka dib ugu soo celisay qabyaalad aad u xun.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa hadal kan ka sheegay munaasibad lagu furaayey xafiis uu Xisbiga WADDANI ku yeelanaayo galbeedka magaalada London ee Ingiriiska, waxaana uu sheegay in Xisbiga KULMIYE uu golahiisii dhaxe uu ku qaybiyey hab qabiil balse ay ka WADDANI ahaan ku qaybin doonin qaab qabiil,waxaana uu tibaaxay in ay ku soo xulan doonaan Ergooyinka Golaha dhaxe qaab Gobalo ah.

"KULMIYE waxaa uu Dalka dib ugu soo celiyey qabyaaladii, oo ergadiisii,golihiisii dhexe iyo gudidiisii fulintaba uu qabyaalad ku qaybinayo,Anagu Xaasha hadaanu WADDANI aanu nahay waxaanu balan qaadaynaa in aanu gobalo wax ku qaybino haday ergo tahay,haday Gole dhaxe tahay iyo haday mashaariic tahayba"ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac waxaa isaga oo hadalkiisa sii wata uu sida oo kale  sheegay in Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Golayaasha Baarlamaankuba ay qaranka u xilsaaran yihiin sidii xukuumada loogu ilaalin lahaa ku dhaqanka shuruucda dalka,sida oo kalena looga hor istaagi lahaa waxii qaladaad ah ee ay gasho,waxana uu carabka ku adkeeyey in hadii la waayo Xisbiyada Mucaaradka ah ay samaysmi doonaan dawlad kalitilis ah,waxaana uu yidhi:

"Aniga iyo murashaxa  Jamaal ba habeenkii xaflada inkasta oo ay khudbadiisu iga horaysay ana markaan imi dhamaantayo waanu taataabanay dhibaatooyinka wadanka ka taagan iyo balanqaadyada beenta ah ee Xisbiga KULMIYE ku ololeeeyey ee aan waxba laga fulin markaa waxaad is odhan doontaan siyaasadu idinma soo gadhin iyo Xisbiyadu,ee waar nimankan maxaa daba dhigay ceebaha Xukuumada iyo wax sheegida ayaa malaha aad is odhan doontaan,hadaad aragtaan Xisbi Mucaarad ah iyo Xildhibaan Baarlamaan ah shaqadii loo dirayba waa intaas,shaqa kaleba looma dirin,waxaa loo diray in ay dawlada Toosh ku ifiyaan in ay ka daba qayliyaan in ay yidhaahdaan waar waa waray ka kaca,waxaasaa dhacay,ma ogtihiin in hadii taas lawaayo waxa samaysmaya Digtaytar Kaligii taliye ah ayaa samaysmaaya,haduu Mucaarad waayo,Mucaaradkuna waxa weeyaan sharafta dawlada ".

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog waxaa kale oo uu Xukuumada KULMIYE ku eedeeyey in ay dalka ka buuxisay dhagax dhigid ay ugu tala gashay mashaariic ay ka fulinayso dalka balse aanay u haynin wakhti ay ku fuliso maadaam uu hada gabo gabo ku jiro wakhtigii ay kaga ee kayd in ay dalka maamusho."Magaalada Hargeysa 10% ayaa ay qasabadi u soo dhacdaa,biyahaasina waxaa ay u soo dhacaan labadii maalmoodba maalin ayey u soo diraan,20% Dameero ayaa u dhaamiyo ,70% Booyada ayaa ay dhaansadaan markaa biyihiina booyadaa dhaaminaysa lacag badan oo cashuura ayaa la saara,Anagu hadaanu WADDANI aanu nahay booyadaha Cashuurta waanu ka daynaynaa.Xisbgiga WADDANI waxaa uu taageersan yahay dhisida waddooyinka arrinku maaha sida Xisbiga KULMIYE dhagax meel dhig oo ka dhaqaaq waxay dhagax dhigeen min Saylac ilaa Laasqoray waxaa la dhigay dhagax,Dhagaxaantaas 200 oo Milyan ayaa ku baxaysa,10-biloodna waa ay u hadheen bal xagay ka keenayaan dadka ma nasaqbaa uu moodayaa anagu hadaanu Xisbiga WADDANI aanu nahay imika marka aan halkan aan ka noqdo,waanu baxaynaa gaadhiwaynbaanu qaadaynaa dhagaxaantii ay dhigeen baanu ka soo ururinaynaa si aanay dadku ugu turunturoon”.ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Xoog).