Muranka Ka Taagan Seeraha Banka Qoolcaday Oo Meel Adag Gaadhay

0
827

Picture2Hargeysa(Geeska):-Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo kamida madax dhaqameedka reer Somaliland ayaa Masuuliyiinta Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland ku eedeeyey in ay hoy u yihiin sii hurinta muranka ka taagan seeraha ay Xukuumadu doonayso in ay ka samayso banka Qoolcaday ee deegaanka dagmada Salaxlay ee Gobalka Hawd,waxaana uu ugu baaqay masuuliyiinta Wasaaradaasi in aanay dadka maatida ah ee deegaanadaasi dagan aanay u gacan dhaafin maadaama ay yihiin madax dhaqameedkoodii.

Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi ayaa hadalkan ka sheegay mar uu qaar kamida warfidiyeenada kula hadlaayey magalada Hargeysa.

"Cidii meesha daganayd ee deegaanka ahayd baa qaylinaysa oo qaylo dhaan noo soo dirtay waxaa ay nagu yidhaahdeen anaga oo iska dagan oo dhulkayagii iska joogna ayaa weerar nalagu soo qaaday, ka guurabaa nala yidhi meeshii aad daganaydeen, meesha aanu u guuraynana nalooma sheegin, sababta na loo rarayna nalooma sheegin,warkaas ayaa na soo gaadhay anaga, markii aanu qoladii wasaarada u tagnay ee aanu ku tidhi siday wax u jiraana Wasaaradu waxaa ay nagu tidhi hawshaasi waa ay soo dhamaatay hawl imika laga hadlaayana maaha meeshana waanu xidhaynaa raali ku ahaada sidaas markaas arrintaas waanu qaadan waynay waanan ka diidnay,waxaanu ku  nidhi umadan ilaahaybaa meesha ku abuuray hadaad qorshe u haysaan oo aad meel u haysaan,ha naloo sheego qorshahu waxa uu yahay ,laakiin maatida iyo caruurta in naloo dhaafo maaha,waana ay ku qasban yihiin in ay isoo maraan aniga maatidayda iyo dadkaygana in uu iidhaafo maaha"Ayuu yidhi Boqor Raabi.

Agaasimaha Guud ee Xanaanada Xoolaha Dr:Jaamac Maxamed Odawaa ayaa isna dhankiisa waxaa uu si adag uga jawaabay eedaymaha uga imanaaya Boqor Raabi ee khuseeya muranka ka taagan Seeraha ay ka wadaan Banka Qoolcaday,waxaana uu meesha ka saaray in  seeraha Qoolcaday ay ka samaynayaan loo xidhayo dad gaara oo carab ah iyo dad soomaali ahba,waxaana uu tibaaxay in cida kaliya ee loo samaynaayo seeraha banka qoolcday ay tahay dadka deegaanka ku noo ee Xoolo dhaqatada ah."Boqolaalkii sano ee ina soo dhaafay oo aan la fulin ka hor dawladan haddii ay dadkani nasiib u heleen oo u ilaahay u keenay Mashruucan oo Xoolahooda u soo saaray biyo oo caws oogu beerayo oo daawadii ay u dhinac taalo markaa waxan aanu ka hadlayno waxaa laga yaabaa in ay dadka qaar u qaadan waayaan,waxaana dee ka hadhayba in mashruucaas la fulinaayo ee dadkaasi ay nimcadaas ay dhuuqi doonaan oo Xoolahoodii ay ku naaxi doonan ee looga samaynaayo halkas cid kale oo loo xidhayaan ma jiraan haday carab noqoto haday Somaali kale noqotaba oo ganacsadayaala midna ma jiro,waxaa ka talinaaya dadka deegaanka meesha ku nool,Xoolahooda ayaa daaqaya waxaana loo soo saarayaa Caws caafimaad qaba,biyona waana loo soo saarayaa"Ayuu yidhi Dr:Jaamac Maxamed Odawaa.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland waxaa uu sida oo kale uu tibaaxay in hada ay wadaan qorshihii dib waan waan loogu soo dabaali lahaa murankaasi ka taagan seeraha Banka Qoolcaday.

"Dadka deegaankaas mashruuca wanaagiisa waanu u sharaxi doonaa,waanu dhex tagi waanu la hadli waanu usheegi waana la qaadan doonaa,waxaana laga yaaba in anaga nala dhex rooro oo qofka doonaya xumo in uu nooga horeeyo waa suura gal".Ayuu yidhi Maxamed Jaamac Odawaa.