Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Ka Hadlay Seeraha Banka Qoolcaday Ee Xiisadda Abuuray

0
700

Picture8London(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xalay niskii dambe ka hadlay xaaladiisa caafimaad ka dib markii la baahiyay warar sheegaya inuu ku jiro xaalad caafimaad oo liidata. Madaxweyne Siilaanyo, oo xalay hadal ka jeediyay madal afur ahayd oo ay kula kulmeen qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee London, wuxuu sheegay inuu ku jiro xaalad caafimaad oo wanaagsan.

Ugu horayn, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Jaaliyadda reer UK ee halkan iskugu timi iyo marti-sharafta kale aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin sida sharafta leh ee halkan noogu soo dhaweyseen waan idiinka mahad celinayaa,  dalkii warkiisi waad haysaan waxba idin kama dhina dal dimuqraadi ah ayaynu nahay dimuqraadiyada qaarba si ayay u fahmaan dad badan ayay dimuqraadiyada iyo Tignoolajiyaduba  u danaysay laakiin waxa wanaagsan Alle ha ina tuso,  dalkan waxa badan ayaa laga qabtay oo iska bedalay  mudadii aanu joognay oo laga qabtay dhinacyada caafimaadka, waxbarashadda iyo adeegyadda kaleba.”

 Wuxuu intaas raaciyay  “Dal dimoqraadi ah ayanu nahay ma dhaliil li’in oo ma diidayno dhaliil waxa la qabtay-na ma yara, waanu u adkaysanaynaa oo diyaar ayaanu u nahay oo waanu qaadanaynaa wixii toosina. Jaaliyada reer Somaliland  waan u mahad celinaynaa kaalinta ay dalka kaga jiraan mar walba.”

Madaxweynaha oo ka hadlayay warar ka dayrinayay caafimaadkiisa oo lagu baahiyay shabakadaha Internet-ka qaarkood, waxa uu yidhi “Caadfimaadkayga ayay wax ka sheegaan, waanigaa caafimaadka  qaba ee idin hor-jooga wixii run ah ayaa iska soo bixi doona,   Illaahay baan ugu mahad-naqayaa caafimaadka  uu I siiyay iyo masuulka ummada iiga dhigay labadaba.”

 Hadalkan Madaxweynaya ayaa yimid, ka dib markii warkaas shalay si weyn la isula dhex maray magaalada Hargeysa, waxaanay shabakadaha wararka qaarkood baahiyeen in Madaxweynuhu ku suganyahay xaalad caafimaad oo adag.

Madaxweynaha ayaa dalka Ingiriiska u jooga nasasho, waxaana laga soo qaaday sawiro isagoo la jooga qaar ka mid ah carruurta uu awoowga u y ahay, islamarkaana tukaamada qaar wax ka iibsanaya.