Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Ka Hadlay Seeraha Banka Qoolcaday Ee Xiisadda Abuuray

0
569

Picture6Hargeysa(Geeska) Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo ka hadlay Seeraha Qool Caday iyo Aroori ayaa sheegay inaanay jirin Cid meel ay deganayd laga Rarayo,  Waxaanu  sheegay in hadba dhinac la beerayo dhinacna dadku degayo loo maamuli doono Seeraha, taasi oo uu tilmaamay inay Faa’iido u  tahay  Dadka Deegaanka.

Dadweynaha deegaanka qool-caday ayaa ka gadooday qorshe ay xukuumadu ku xidhayso banka qool-caday, waxaana khamiistii banka isku urursaday rag hubaysan oo qorshahan ka soo horjeeday. Wasiirka ayaa ka jawaabayay hadal Madax dhaqameed ka soo yeedhay kaasi oo ku salaysnaa Muran ka taagan dhulkaasi Seeraha laga xidhayo. Wasiirka Wasaradda Xanaanada Xoolaha  Dr Cabdi Aw Daahir ayaa Qoraal uu ku baahiyey  Boggiisa Facebook ayaa waxa uu u dhignaa sidan  “Seeraha Aroori iyo Qoolcaday cid meel laga rarayaa haba yaraatee maba jirto. Waa la joojiyay Seerihii dadka laga rari jiray. Laba qaybood ayaa loo kala xidhayaa. Dadka degaanka ayaa Kolba dhinac degaaya oo u kala guuraaya. Waxaa luqada Ingiriisiga lagu yidhaahdaa (Rotational grazing system) .Dhinaca ay daganyihiin mooyaane dhinaca kalena waxaa looga beeraya daaq iyo caws. Waa danta deegaanka.”

Wasiirka oo qoraalkiisa sii wata ayaa yidhi  “Waxaan hubaa in deegaanku ogaan doono ka wax taraaya iyo ka khalkhalinaaya ee u tumaaya Durban beena oo Leh muranad isaga ku kooban. Dadka deegaanka ayaa taladeeda iska leh, ka faa’iidaysta markaad ogaataan wax tarkiisa badan ee idinka, idiinku jira oo aan hubo in aad ogaanaysaan ayuunbaa la bilaabayaa, mar labaad waxaan ku celinayaa cid laga rarayaa ma jirto adigoo yaala ayaa Kolba dhinac laguu xidhayaa, waxaa lagaaga samaynayaa Warihii, Ceelashii iyo Daaqii iyo adeegii kale”.

Wasiirku Ugu dambeyntii waxa uu dadka Tuhunka iyo fikirka khaldan ka haysta Seerahaasi u soo bandhigay ciwaano ay la xidhiidhaan si loo fahansiiyo Seeraha  iyo Habka loo Beerayo, waxa uu yidhi “Si aad xogogaal u noqoto la soo xidhiidh tel. No 0634240082 AMA e-mail. ( Molharg2@hotmail.com)Si balan laguugu qabto maalmaha isniinta 9:00- 12:00 subaxnimo Madaxda Wasaarada Xanaanada Xoolaha oo aad la wadaagi doonto talo waxtar u leh deegaanka iyo seerahaaga, waan u sabraynaa dareeenka dadkayaka ilaa ay nala fahmayaan waxaan u qabanayno inuu yahay dantooda.”