Wasiir Warancade Oo Ka Waramay Midhaha Safar Uu Wadanka Itoobiya Ku Tagay

0
534

Picture5 Hargeysa(Geeska):-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Warancade iyo wafti kooban oo uu hogaaminaayo oo todobaadkii hore socdaal ku tagay dalka Itoobiya dibna ugu soo laabtay dalka ayaa ka hadlay halka ay marayso wadahadaladii ay dawlada Itoobiya kala soo yeesheen cabasho ka taagnayd Xuduudka u dhaxeeya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya oo muddoyinkii danbe arrimo amni darro u xidhaa.

Wasiir Cali Maxamed Warancadde ayaa waraysi uu siiyey Hctv,waxaa uu sheegay in ay hadda meel fiican ay marayso sidii xal loogu heli lahaa xuduudka xidhan,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in ay wadaan qorshihii lagu furi lahaa xuduudka ay Itoobiya xidhatay isla mar ahaantaan ay si rajo wayn ka qabaan sidii xuduudka si dhakhso ah loogu furi lahaa. "Aniga iyo wafti aan hogaaminayaa waxaanu tagnay Itoobiya,si aanu ugala soo hadalno Xuduuda labada dal oo imika in muddo ah yara Xidhnayd  sababuhuna waxa weeyaan dee waxaad la socotaan hareeraheena waxa ka dhacaya ee Gobalka,Markaa  dawlad waliba waxaa ay ku dadaasha sidii ay dalkeeda iyo shacabkeeda ay u ilaalin lahayd ,Waxaa lagama maarmaan ah habkii nabadana loo ilaalin lahaa Labada dalna ay isagu socon lahaayeen,markaa imika waxaanu wadnaa tabaabushihii arrintaa loo samayn lahaa,waxaanan filaynaa hadii Ilaahay yidhaaho in si dhakhso ah loo furaayo"Ayuu yidhi Md:Cali Maxamed Warancadde

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Warancadde waxaa uu sida oo kale uu si dadban uga jawaabay hadalo muddoyinkii danbe uga imanaayey Xisbiyada Mucaaradka,kuwaasi oo sheegayey in aanay dalka ka jirin wax nabad galyo,waxaana uu carabka ku dhuftay in dalka ay ka jirto nabad galyo.

"Waxyaabaha aan layaabo waxaa ka mid ah ragwaaweyn oo had iyo jeer aad Tv-yada ka maqlaysid oo bala aan wadanka ka jirin iyo Nabad galyo darro aan jirin  odhanaya Nabadi ma jirto,markaa dadkaas waxaan leeyahay,waxaad moodaa in ay siyaasada ku asqoobeen oo habkii ay habkii wax loo mucaaradi lahaa ay ka waxaysan tahay,waxaan leeyahay walaalayaal nimcada Illaahay lagama hortago,nimcada ilaahay lagama abaal kadhaco,waxaan leeyahay waxyaabaha xun xun ee Tv-yada iyo meelahaas la marinayaa ninka Siyaasiga ah hoos u dhac waxaan ahayn kuma keento.”Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Ugu danbayntii Md:Cali Maxamed Warancadde oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Qaar kale oo waxaad maqlaysaa Habrihii Alleh ha unaxariistee habeen walba ka soo faqaaya qubuuraha oo Tv-yada la soo fadhiistay oo leh hadaanu heblo heblaayo nahay,waxyaalahasi waxaa ay keenayaan oo runtii dhaliyaradana dhagta ugu ridaaya,ragaasi waxaan ku waaninayaa in aanay shacabkan hayaanka ah ee u hayaamay in ay dalkan Mustaqbalkiisii ay dhawaan gaadhaan in aan la cidhba dhawrin,markaa waxaan leeyahay shacabka in ay ka digtoonaadaan ciddaan isleeyahay waa ay ku asqowday siyaasada ".