Kellidiisii Ayaa Uu Iibiyey Si Lacagta Uu Xaaskiisa Gaadhi Ugu Iibiyo, Muddo Gaaban Kadibna Waa Uu Furay

0
815

Picture8Tahraan (Geeska)- Nin u dhashay dalka Iran ayaa mid ka mid ah kelyihiisa iibiyey si uu gaadhi ugu iibiyo xaaskiisa oo uu aad u jeclaa. Wargeyska Jam-Jim oo ka soo baxda dalka Iran ayaa qoray in ninkan u dhashay dalka Iran oo codsaday in aan magaciisa la xusin uu u sheegay, in markii xaaskiisa oo ah gabadh aad u han-weyn aadna uu u jeclaa ay muddo dheer ka codsanaysay in uu u iibiyo gaadhi, isna uu u sheegayey in aanu dhaqaale u hayn ay kama dambaystii ka codsatay in uu iibiyo mid ka mid ah keliyihiisa si uu gaadhi ugu iibiyo. Ninkan oo uu wargeysku da'diisa ku sheegay Soddon jir, waxa uu sheegay in isaga oo fulinaya dalabka gabadhiisa uu iibiyey kelli kadibna uu u iibiyey gaadhi nooca qaalga aha.

Muddo gaaaban markii ay gabadhii gaadhigii wadatay, waxa ay la soo baxday dalabaad kale oo hor leh, kuwaas oo ninkii ku keenay niyad jab iyo in uu naco ugu dambaystiina sabab u noqday in uu furo xaaskiisan la sheegay in uu aad u jeclaa. Ninka ayaa maxkamadda arrimaha qoyska ee dalka Iran horteeda ka caddeeyey in xaaskiisan uu jeclaa balse duruufihiisa dhaqaale aad u liitaan, iyaduna ay noqotay gabadh had iyo goor ku riyoota inay hesho maal iyo wax yaabo qaali ah, ninkan oo maxkamadda ka hor hadlayey ayaa yidhi, "Hore waxa aan u aqbalay dalabkii xaaskayga ee ahaa in aan mid ka mid ah kelyahayga iibiyo si aan gaadhi ugu iibiyo, markii aan gaadhigii oo qaali ahaa u iibiyey waxa sii socday dalabaadkeedii qaaliga ahaa , waxa ay jeceshay inay ku noolaato nolol aad u sarraysa oo ay cid walba ka sarrayso, sidaa awgeed waxa ay mar walba iga dalbataa wax aanan dhaqaale ahaan awoodayn. Markaa mar haddii xaaladdayda dhaqaale liidato oo aanay qancin karin xaaskayga waxa aan go'aansaday in aan furo" ayuu yidhi ninkan. Ninkan reer Iran waxa uu furay xaaskiisan uu sheegay in ay ka doonayso wax aanu awoodin, laakiin waxa uu sheegay in aanu kaga noqon doonin gaadhiga uu uga iibiyey kellidiisii.