Haddii Aad Doonayso Cimri Dherer Qudhaanjo Ku Darso Cuntada Aad Cunayso iyo Cabbitaankaaga

0
720

Beijing (Geeska)- Koox ka mid ah dhakhaatiirta dalka China ayaa sheegay in qudhaanjada oo lagu daro cuntadu ay tahay dawo cusub oo keenaysa cimri dherer. Waxa ay dhakhaatiirtani sheegeen in curiyeyaal iyo walxo kale oo cilmi ahaan loo yaqaanno Bulirachez Vecena ay ku jiraan noocyo ka mid ah qudhaanjada,waxa aanay jidhka u leeyihiin faa'idooyin caafimaad oo tiro badan. Sida ay ku doodayaan khubaradan dalka China tijaabooyin ay sameeyeen ayaa ay ku ogaadeen in maadadda Bulirachez Vecena loo isticmaali karo daawo ahaan. Dhakhaatiirtani waxa ay sheegeen in maadaddani ay xoojiso habdhiska difaaca ee qofka, in ay la dagaalanto ama ugu yaraan yaraysa raadka xubno xanuunka iyo Roomatiisanka, sidoo kale waxa ay u fiican tahay caafimaadka kelyaha, waxa ay qurxisaa maqaarka.

Wargeyska Al-ahraam ee ka soo baxa dalka Masar oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa sheegay in taladan caafimaad ee ka soo baxday dhakhaatiirta reer China in ay rumaysay caado hore uga jirtay dalkaas oo ahayd in dadka da'da ah ee reer China ay weligood caado u ahayd in ay cabbaan sharaab casiir ah oo ay ku jirto Qudhaanjo ridqani. Sidoo kale dadka da’da ah ee China ayaa caado u leh in ay cuntada ku darsadaan qudhaanjo. Cilmi baadhiso caafimaad oo lagu sameeyey dalka China ayaa lagu sheegay in noocyadan qudhaanjo ee leh maaddooyinka aynu kor ku soo xusnay ay sidoo kale ku jirto maadadda loo yaqaanno Zinc oo xoojisa habdhiska difaaca ee qofka.  Dalka China ayaa ka mid ah dalalka la aaminsan yahay in dadka dunida ugu cimriga dheeri ku nool yihiin.