Madaxweyne-xigeenka Oo Ka Hadlay Dad Loo Qabtay Tuhuno Argagixiso, Shacabkana Ugu Baaqay Inay Indhahooda Iyo Dhegahoodaba Furaan

0
586

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay dad uu sheegay inay xukuumaddu muddooyinkan dambe u qabqabatay tuhuno argagixiso oo uu qaarkood sheegay in lagu hayo dambiyo.

Md. Saylici, oo uu shalay waraysi la yeeshay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan Telefishanka Qaranka, wuxuu shacabka ugu baaqay inay dhagaha iyo indhahaba si aad ah u furan. Md. Saylici, waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland ay la leedahay Itoobiya iyo Djibouti, isagoo sheegay in la furayo xuduudkii xidhnaa.

Ugu horayn isagoo ka hadlaya, hadal ka soo yeedhay dawladda Somaliya oo khuseeya hawada iyo biyaha Somaliland, wuxuu madaxweyne xigeenku yidhi  “Somaliland Maanta Somaliya ka mid maaha, wakhti ayey ka mid ahayd, laga soo bilaabo Bishii 18/5/1991, Umadda reer Somaliland waxa ay go’aansadeen in xoriyadii ay heshay 1960 ee ay ula tagtay walaalaheed Koonfur, ay dib ula soo noqoto, waa Dawlad shaqaynaysay muddo 23 Sanno, Cagaheeda ayey isku taagtay runtii, marka sheegashada ay sheeganayaan reer Somaliya mid ay wax ka jiraan maaha, Hawada iyo Badda Somaliland cid aanu kaga talagalaynaa ma jirto, waxa u madax banaan oo maamulaya Dawladda Somaliland iyo Dadkeeda, cid kasta oo heshiis kula galayaana waxa aan uga digaynaa in aanay u arkin heshiiskaasi mid khuseeya Xuduuda Somaliland, oo ah Xuduud mucayin ah,oo Xuduudihii Mustacmarkii Dawladdihii Afrika gumeeysan jiray u qeybiyey ee Xuduudaha u sameeyey u ka tagay ah, oo uu kala yaqaano, sida darteed waxa aan leeyahay cid kasta oo heshiis kula gashay Magaca Somaliya, Xuduud Baddeed ama Xuduud Hawo, waxa ay ku koobnaanaysa intii Somaliya la odhan jiray,ee uu guumeeysan jiray Mustacmarkii Talyaanigu”.

Isgoo ka hadlaya xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Djibouti iyo Itoobiya, wuxuu yidhi “Waa Aafo Caalamka ku soo korodhay Argagixisadu, dhacdo ayaa dhacday,  laakiin muddo intaas ka badan ayaanu Dalalka Dariska ah dayr u nahay haddii ay Jabuuti tahay iyo haddii ay Itoobiya tahayba,dadaal badan ayaa naga dhexeeya, wada shaqayn dhinaca Amniga ah ayaa naga dhexeeysa,   dhacdadan dhacday darteed iyo waxyaabo badan oo la is weydarsanayey darteed ayey ku dhacday in la xidho Xuduudaha, dabcan dal walba oo madax banaan isaga ayaa u madax banaan oo Qaran kastaaba isaga ayaa  ikhtiyaar u leh inuu Wadankiisa xidho iyo inuu furto, laakiin se imika meel fiican ayey noo maraysa Jabuuti iyo Itoobiya, Itoobiyana waxa imika jooga Wasiirkii Arrimaha Guddaha, Hay’addihii kale ee Amniguna wey la socdaan, Madaxweynuhuna waa kii ku sii maray, ilaa dhigiisi iyo Raysal Waraasaha waa kii la kulmay, kana wada hadleen sidii loo soo celin lahaa arimaha nabadgeliyada, inaga oo hore u wada shaqayn jirnay, inaga oo xidhiidh wanaagsan leh Jabuuti iyo Itoobiya labadaba, haddana waxaanu ku heshiinay in Xadkii dib loo furo, arin farsamo ayey dib ugu dhacsan tahay, balse waxa aan rajaynayaa in si deg deg ah u furmi doono insha allaha wixii hadda ka dambeeya.”

Md. Saylici, oo ka hadlaya amniga Somaliland, sharaxaadna ka bixinaya dadka la qabqabtay ee loo haysto tuhumo argagixiso, wuxuu yidhi, “Guud ahaan Wadanka gudihiisa amaanka aad ayaa loo adkeeyey, oo waad la socotiin, wax badan oo dadkii hawlahan ku jirayna waa la qabtay, oo wey jiraan, baadhistuna wey socotaa, dad badan oo la baadhayo oo falal cad oo dambiya iyo in kaleba wey leeyihiin, guud ahaan inaga oo bishii barakaysnayd ee Ramadaan ku jirna Iidiina soo dhawdahay, waxa aan Umadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogto ugu baaqayaa inay Nabadgelyada ilaashadaan, waxa aynu ku fadhinaa Maanta, Nabadgeliyada ay Somaliland ku faanto, Shacabka ayaa leh, Dawladdu intii itaalkeeda maahe, inta ka badan dadka ayaa leh,oo aan runtii u hambalyeynayo, iyaga oo aad u wacyi-gashan,oo aan lagu dhex dhuuman karin,ayaa nabadgeliyada qeybtooda haya, imikana waa wakhtiyada aadka looga faa’iidaysan jiray, ee waa inay Dhaguhu aad u furnaadan, Indhuhuna aad u furnadaan, meel kasta oo ay Shacabka reer Somaliland joogaan.”