Xisbiga Waddani Oo Si Adag Uga Digay Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashada

0
542

Picture5Hargeysa(Geeska):-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa maanta ka hadlay kana  sida ay ka xisbi ahaan u arkaan dib u dhac ku yimaada doorashooyinka dalka ka qabsoomi doonta 2015-ka. Gudoomiyaha ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Axmed Muumin Seed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay ka Xisbi ahaan ay diyaar u yihiin doorasho dalka ka dhacda,waxaana uu sheegay in aanay jirin sabab doorashadu ay dib ugu dhacdo,isaga oo tibaaxay in Madaxweyne Siilaanyo looga fadhiyo in uu ka dhabeeyo hadalkiisii hore ee uu sheegay in aanay maalina doorashadu dib u dhacayn.

 “Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaan Maalin lagu darayn Doorashada, sabab maanta looga sheekeeyo Muda kordhina meeshaba ma taalo. Annagu Waddani ahaan Diyaar uma nihin, Doorasho dib u dhacda. Runtii sabab Doorashadaasi dib ugu dhacdaana meeshaba ma taalo” Ayuu yidhi Md:Axmed Muumin Seed.

Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray in deeq bixiyaashii inaga taageeri jirey doorashooyinku ay hada diyaar u yihiin taageeradoodii,waxaana uu sida oo kalena tilmaamay in kaliya dhinaca Somaliland laga sugaayo dhaqaalihii ku bixilahaa Doorashooyinka.sida oo kalena waxaa uu tibaaxay in mudda ka hadhan wakhtigii doorashada loogu diyaar garoobi karo sidii loo diyaarin lahaa in ay dalka dooshooyinku ka dhacaan.

 “Qolyihii inaga Caawinayay Doorashada, waxyaabihii Doorashada aynu ku qabsan lahayn waa la diyaar, Somaliland wixii dhaqaale kaga xidhan ee Doorashada ku baxaya waa diyaar, Diwaan galintii Codbixiyeyaashu bisha 9-aad ayay bilaamaysaa, mudada inoo hadhayna waa Sanad. Runtii Sanadkaas waa lagaga gaadhsiin karayaa Doorasho dalka ka dhacda, runtii in laga sheekeeyo doorasho dib u dhacaysa ayaaba xaaraan ah.” Ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka Waddani

Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Md:Axmed Muumin Seed ayaa waxaa kale oo uu ka dayriyey xaalada ay maanta Somaliland marayso,isaga oo tilmaamay in shacabka Somaliland aanay maanta qaadi Karin Doorasho dib u dhacda,waxaana uu tibaaxay in ay Xukuumada Siilaanyo ku guul daraysatay wax ka qabashada Xuduudaha Xidhan ee dalalka aynu jaarka nahay iyo sida oo kale maamulkii Hawada Somaliland ay gacanta kula wareegeen Dawlada Somaliya,waxaana uu si aada Carabka ugu adkeeyey in ay codsanayaan in doorashada hore loo soo mariyo.

 “Mida kale waxaad ogtihiin, Maanta Somaliland xaaladeedu halka ay marayso. Maaha waxay Shacabka Somaliland qaadi karaan in doorasho dib u dhacdo, waxaad ogtihiin wadamadii Jaarka aynu ahayn ee Ethiopia iyo Jabuuti Xuduudadii way xidhan yihiin, Hawadii waxa maamulaysa Somalia, mudadaas sanadka ka hadhay ayaaba Shacabka Somaliland  dirqi ku ah. Markaa Xisbi ahaan anagu in doorashada hore loo soo dhigo ayaanu dalbanaynaa ee marna ma aqbalayno dib loo dhigo doorashada” ayuu yidhi Md:Axmed Muumin Seed.