Maraykanka Oo Israel Siinaya $ 225 Milyan Oo Degdeg Ah Si Ay Isaga Difaacdo Gantaalaha Xamaas

0
579

Picture4Washington (Geeska)- Xildhibaannada golaha odayaasha Maraykanka ee ka soo jeeda xisbiga dimuqraaddiga ayaa golaha hor keenay sharci fasaxaya lacag dhan 225 Milyan oo doolar oo uu Maraykanku Israel kaga caawinayo nidaamka difaaca cirka. Caawimadan degdegga ah ee uu xisbiga madaxweyne Barak Obama doonayo in lagu xoojiyo nidaamka -difaaca cirka Israel ee lagu magacaabo  Koofiyadda Birta ah ayaa uu sharcigani ku sababaynayaa in Israel oo ah dal ay Israel xulafo yihiin aad ugu baahan tahay. Barbara Mikulski oo ah guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha Kongareeska Maraykanka ayaa qoraal ay soo saartay habeennimadii arbacada waxa ay ku tidhi,

“Waxaa ii qorshaysan in aan berri golaha hor keeno sharci fasaxaya caawimo degdeg ah oo lagu daboolayo baahiyaha degdegga ah, oo aynu saaxiibkeena dhow ee Israel kaga caawinayno in ay sii waddo nidaamka koofiyadda birta ah ee ay iskaga difaacayso gantaalaha” Xildhibaan Barbara waxa ay sheegtay in Madaxweyne Barak Obama uu soo codsaday lacagtan iyo lacag kale oo wax lagaga qabanayo carruurta u soo haajirta dalka Maraykanka ee ka soo tallowda xuduudka dhinaca barriga ee Maraykanka. Iyada oo sabab u raadinaysa lacagtan uu Maraykanku Israel kaga caawinayo ka hor tagga gantaalaha Xamaas waxa ay Barabra intaas ku sii dartay, “Xamaas waxa ay Israel dhinaca Qaza kaga soo tuurtay in ka badan 2 Kun oo gantaal, nidaamka koofiyadda birta ah ee Israelna waxa uu ku guulaystay in uu qabto boqolkiiba 90 ka mid ah gantaalahaas. Israel waa dal ay Maraykanka xulafo yihiin oo muhiim u ah”

Ugu dambayntiina waxa ay Barbara xildhibaannada golaha Kongareeska ku dhiirri gelisay in ay dhaqso u ansixiyaan sii deynta lacagtan, iyada oo arrintaas ka hadlaysana waxa ay tidhi, “Waxa aan madaxweynaha ku waafaqsanahay in tani ay tahay xaalad degdeg ah. Waxa aanan golaha ka rajaynayaa in uu si bilaa turxaan ah uu ansixintan sharcigan dhaqso u dhamaystiro, ka hor inta aanay dad kale oo dheeraad ahi ku naf waayin rabshadahan sii xoogaysanaya”

Nidaamka Koofiyadda Birta ah ee Israel oo illaa hadda kalsooni badan ay Israel ku qabto ayaan weli midhiisu gaadhin heerkii loo baahnaa, sida ay ISraa’iil sheegaysana dagaalkan hadda socda ee Qaza waxa uu nidaamkani difaacay boqolkiiba 20 keliya oo ka mid ah gantaalaha kooxaha wax-iska-caabbinta ee Falastiiniyiintu ku rideen deegaananda gudaha sii gashan ee Israa’iil.

Dhinaca kalana wasaaradda isgaadhsiinta ee Israel ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqday in duulimaadyadii diyaaradaha ee garoonka diyaaradaha magaalada Tel Aviv si ku meel gaadh ah loogu wareejin doono gegida diyaaradaha ee magaalada Eylaat, arrintan ayaa timid markii uu gantaal ay Falastiiniyiintu soo rideen ku dhacay meel aad ugu dhow garoonka Tel Aviv, taasina ay kaliftay in inta badan ee diyaaradihii dunidu ay joojiyeen duulimaadyadii ay ku tegi lahaayeen Israel iyaga oo u baqaya badbaadada rakaabkooda iyo diyaaradaha laftooda awgeed.

Afar iyo Labaatankii saacadood ee u dambeeyeyna Israel waxa ay wadday dadaallo xooggan oo ay doonayso in ay shirkadaha duulimaadyada ee caalamiga ah ku qanciso in ay dib u bilaabaan duulimaadyada ay joojiyeen iyaga oo u wareegaya garoonkan cusub oo ay sheegtay in ay bixinayso damaanad qaad dhinaca ammaankiisa ah. Waxaa iyaguna durbadiiba soo baxay doodo laga qabo awoodda uu garoonkan Eylaat u leeyahay in uu diyaarado sidaa u badan qaabilo, gaar ahaan dhinaca dhismihiisa oo laga yaabo in diyaaradaha aadka u waaweyni ay fadhiisan kari waayaan.

Duulimaadyada la joojiyey waxa ay warwar badan ku abuureen xukuumadda Israel oo dhaqaale joogto ah oo aad u badan ku waayi doonta, isla markaana ay arrintani astaan u noqon doonto in dagaalka lagaga awood badiyey maadaama oo diyaaradihii dalka soo gelayey lagu qasbay in ay joogsadaan.