“Somaliland Haddii Ay Iska Fadhido Oo Aanay Waxba Qabsan, Waa Ayaan Dararro”

0
519

Picture3Hargeysa(Geeska)-Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa sharaxaad ka bixiyey war ku qornaa caddadkii Jamhuuriya ee shalay oo ciwaankiisu ahaa ‘Abwaan Hadraawi oo Shaaciyey Arrin Adhaxda ka Jabisay Dawladnimada Somaliland’ kaasoo ahaa xog-waraysi abwaanku siiyey barnaamijka Xusuus-reeb ee Telefishanka HCTV oo uu daadihiyo suxufiga ruug-caddaaga ah ee Ducaale.

Haddaba, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo isagoo ku sugan magaalada Burco saxaafadda la soo xidhiidhay, wuxuu tilmaamay inaan ujeedada hadalkiisu sidaas ahayn, waxaanu xusay in hadalkaas shalay ku qornaa wargeyska la dhibsaday, “Anigu waxaan idhi haddii ay Somaliland iska fadhido oo aanay waxba qabsan oo ay ictiraafuun sugto waa ayaan darro. Sidaas ayaan idhi oo hadalkaygu u cadaa.” Ayuu yidhi Hadraawi, waxaanu sheegay inuu tilmaamay in iska fadhigaasi aanu u wanaagsanayn Somaliland, isagoo ugu baaqay inay dadku iskood wax u qabsadaan oo ay fadhiga ka kacaan.